Sheekh Umal oo Khudbadii Jimcaha ee shalay La dardaarmay Umada Soomaaliyeed (Dhageyso)

March 23, 2013 - Written by

sh_umalNairobi:-Sheekh Maxamed Umal oo jimcooyinkii la soo dhaafay soo jeedinayeey khudbooyin taxane ah oo uu uga hadlayey khatarta ay leedahay baneysashada dhiigga Muslimiinta guud ahaan iyo gaar ahaan kan Culimada, ayaa maanta waxa uu ku soo gabagabeeyey dardaarano guud oo aad u qiimo badan.

Dardaaranka 1aad

Sheekha ayaa dadka uga digay inay ku kadsoomaan halkudhegyo wanwanaagsan oo aan xaqiiqo ahey, isagoona tusaale u soo qaatay in Khawaarijti uu ka sheekeeyey ayan jirin cid Salaad, Soon iyo Jihaad ku gaadha, isagoona carrabka ku adkeeyey inayan waxba u tarin camaladaas asal ahaan u fiican, laakiin dariiqii haboonaa aan loo qaadin.

La dagaalan gaalo oo aan lagu cafineyn dhiigga dadka Muslmiinta ah, ayuu Sheekhu sheegay inayan waxba anfaceynin, wuxuuna intaas ku daray in kuwii horeba ayan cidna ka Jihaad badneyn.

Dardaaranka 2aad

Sheekh Umal, ayaa sheegay in loo baahan yahay in xiligaan oo kale Culimada iyo Cilmiga laga ag dhawaado, isagoona carrabka ku adkeeyey in sidaas lagu badbaadayo, isagoona soo qaatay laba tusaale oo Khawaarijta qaar ka mid ah loogu caqli celiyey.

Dardaaranka 3aad

In amuuraha waaweyn oo cakirma loo daayo Culimada, si guud oo wadajir ahna ay arrimahaas u daaweeyaan, ayuu Sheekhu sheegay inuu ku talinayo, isagoona carrabka ku adkeeyey in arrimaha qaarkood maanta jira ay ka fiirsan lahaayeen saxaabo waaweyn oo Abuu Bakar iyo Cumar ka mid yihiin, halka maanta dhalinyaro aan garaad lahayn ay ku degdegayaan.

Dardaaranka 4aad

Inaan dhab loo qaadanin gaaleysiinta dadka qaarkood, ayuu ku taliyey Sheekhu, wuxuuna wax lala yaabo ku tilmaamay in dhalin badan ay maanta u haystaan dadka wax gaaleysiinaya inay yihiin kuwa dadka ugu aqoonta badan, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in taasi ay tahay diin yari iyo fudeyd.

Dardaaranka 5aad

Inaan lagu kadsoomin daliishiga aayado, axaadiith, iyo hadallo culimo oo boosas aaney lahayn la dajiyo, ayuu Sheekhu ka dardaarmay, wuxuuna hoosta ka xariiqay in daliilku uu sax yahay, balse halka loo daliishanayo loo baahan yahay in laga taxadaro.

Dardaaranka 6aad

Inaan leysla weynaanin, ayuu Sheekhu ka dardaarmay, wuxuuna farta ku fiiqay inay taasi tahay tilmaan ay leeyihiin Khawaarijta, isagoona shaaca ka qaaday in maanta ay jiraan dad kaligood isu haysta inay xaqa ku taagan yihiin, dadka kalena vaadi ku xukumay.

Dardaaranka 7aad

Dadka lagu ibtileeyey gaaleysiinta dadka Muslimiinta ah ayuu Sheekhu ka digay in laga ag dhawaado, ama wax laga barto, wuxuuna sheegay inay taasi tahay mid lagu badbaadayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyey marka loo nasteedxeeyo ka dib in laga dheeraado dadka ahlu baadilka ah ee uu ka soo warramayey.

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Jimacaha ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/s77cbqq3aw/khudbadii_sh_umal_dar_daaran_001_001.mp3″] Ama Halkan Mp3

Somalireal/Halgan.net
Yaasiin Cabdi Ahmed
Nairobi

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online