Waa’ayo gaalada dalka laga saarayo.? W/Q Sh Axmed Cabdisamad

March 27, 2013 - Written by

Maqaal-300x158Kooxda ururka Al-shabaab iyo taageerayaashoodu waxay ku hadaaqaan gaalada dalka joogta maa laga hadlo iyo maa dalka laga saaro?. Horey waxaan usoo sheegnay kooxda Al-shabaab inay heegan u tahay inay layso cid kasta oo gaalada kula dirirta siyaasad ahaan iyo ciidan ahaan oo aan maamulkooda hoos-imaan. Waxaa kale oo aynu sheegnay ciddii iyaga ku biirta oo doonaysa inay gaalada la dirirto in lagu khasbayo laynta iyo hagardaamaynta muslimiinta. Waxaa intaa sii dheer in ay hubka ka dhigeen shacabkii daganaa dhulkii ay qabsadeen iyaga oo magacyo qurxoon u bixinaya hubkadhigistaas;  sidaa darteed way adagtahay in gaalo wax lala qaybsado inta kooxdaasi joogto. Qormadaan maantana waxaan ku eegaynaa cidda ay tahay gaalada dalka laga saarayo iyo haddii gaaladaas dalka laga saaro cidda soo dagaysa oo badalaysa.

Ugu horrayn kooxda Al-shabaab waxay munaasabado kala duwan ku sheegtay in maamulada dalka ka jira gaalo yihiin, dadka ku hoos-noolna gaalo yihiin, suufiyaduna gaalo tahay, ururada islaamiguna gaalo yihiin. Taa macneheedu waxaa weeye in Soomaali oo dhan gaalo tahay marka laga reebo kooxda Al-shabaab. Arrintaa waxaa sii caddaynaya habka kooxda Al-shabaab ula dhaqanto bulshada Soomaaliyeed oo ah:

a) dil qarsoodi ah iyo mid bareer ah oo ay si guud ugu gaystaan shacabka gaar ahaan nindoorka bulshada,
b) qarxinta iyo weerarada millatari ee lagu xasuuqayo dadweynaha,
c) cabsi-galinta iyo qixinta shacabka
d) cunaqabataynta iyo go’doominta dadweynaha haba ugu darnaato xilliyadii abaaraha oo ay kaalmadii u diideen, gobolada qaarna gaadiidkii biyaha iyo cuntada geynayey ka xayireen taas oo keentay in shacabku dalalka dariska u tallaabaan; si ay dadka waxa u nool u badbaadiyaan.

Dhinac kale marka laga eego kooxdaani shacabka Soomaaliyeed ayay dalka gudihiisa ku xasuuqdaa, qaarna ka qixisaa, mana la arag gaalo dalka ku soo qulqulaysa mooyee mid ay ka saareen xataa ciidamadii dalka laga saaray intii aanay kooxdaani xoogaysan dib ayay ugu soo noqdeen, mana la arag meel ay ku hor-istaageen soo galidooda.

Aynu isweydiino haddii Soomaali gaalo tahay, kuwa ku soo duulayna gaalo kale yihiin maxaa kooxda Al-shabaab labada gaalo ugu kala hiilinaysaa?. Haddii gaalada Afrikanka ah dalka laga saaro se soo koley meeshii gaalo uun ma daganaanayso?, mise gaalada la saarayo waa Soomaalida sida ficilka Al-shabaab tusayo.

Waxaa kale oo isweydiin mudan haddii dalka gaalo Soomaali ah iyo gaalo afrikan ah wada joogaan maxaa midna loo saarayaa midna loo daysanayaa?, maa la wada saaro ama la wada daayo. Haddii kale gaalka asalka ah ayaa kan murtadka ah dhaamee maa Soomaalida la saaro oo Afrikanka la daayo?. Ogow waa sida kooxda Al-shabaab u shaqaynaysee!!.

Arrimahaan waxay muujinayaan gaalada la sheegayo ee ay tahay in dalka laga saaro inay tahay shacabka Soomaaliyeed ee aysan ahayn ciidamada Afrikanka. Bal eeg sawir kartoon ah oo Amiin Caamir ka sameeyey Soomaaliya oo la isweydaarsano oo dadkeedii ka sii qaxayaan, ciidamo Afrikaan ahna ku soo qulqulayaan!.

Waxay ila tahay in aynu caddaynay gaalada dalka laga saarayo iyo cidda soo badalaysaba.

W/Q Sh Axmed Cabdisamad
Halgan.net

Leave a comment

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online