Wafdi wasiiro ah oo ka tirsan DFS oo gaaray magaalada KIsmaayo(Masawiro)

March 24, 2013 - Written by

KismaayoKismaayo:-Wafdi ka socda DFS oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ayaa gaaray maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose waxaana ay hordhac u yihiin socdaal uu Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon uu ku tagi doono magaalada Kismaayo maalinta birito ah.

Wafdiga maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah  wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee DFS Cabdikariin Xuseen Guuleed ,wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsanDFS waxaana la filayaa in ay kulan la qaataan  madaxda maamulka KMG ah ee Kismaayo.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka ku-meel-gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Raadeer ayaa warbaahinta u sheegay in ay mas’uuliyiinta DFS ay soo gaareen magaalada Kismaayo ayna horudhac u yihiin  booqasho la filayo in uu Raisulwasaare Saacid ku yimaado Degmada Kismaayo.

no images were found

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana  ciidamo faro badan la dhigay dhamaan wadooyinka magaalada Kismaayo waxaana la baarayaa gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay iyo guryaha qaarkood .

Cabdi Yare
Kismaayo

 

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online