Wafdi ka socda gobalka Gedo oo lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo
March 18, 2013 - Written byKismaayo:-Waxaa goordhow ka soo degay garoonka Diyaaradaha ee magalaada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose wafdi ka yimid gobolka Gedo,kaas oo ka qeyb gali doona shir maamul gobaleed loogu sameynayo gobalada Jubooyinka .
Wafdigan ayaa waxaa ay ka yimid gobolka Gedo, waxaana ay ka kooban yihiin waxgarad , Nabadoono , Siyaasiyiin iyo Saraakiil kuwaas oo qeyb ka noqon doona shir ka socda magaalada Kismaayo
Wafdigan ka yimid Gedo ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka KMG ee degmada Kismaayo gaar ahaan gudoomiye ku xigeenka maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer).
Wafdiga ayaa markii ay ka soo dageen Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo waxaa warbaahinta la hadlay UGaas Cabdi Yare oo ka mid Ugaasyada ka yimid gobalka Gedo wuxuuna sheegay in ay u yimaadeen Kismaayo sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen dhismaha maamulka Jubbaland State ee haatan shirkiisu uu socdo magaalada Kismaayo.
Imaatinka wafdiga ka yimid gobalka Gedo ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa diidmo cad oo ay madaxada DFS ay diideen shirka ka socda magaalada Kismaayo kaas oo lagu sameynayo Maamulgobaleed la mid ah kuwa dalka ka jira.
Cabdi Yare
Kismaayo