Warar kale duwan oo ka soo baxay shirka u socda Ra’iisul wasaaare Saacid iyo Maamulka Kismaayo
March 27, 2013 - Written byKismaayo-Wararka hordhac ah oo naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in uu jiro khilaaf ku saabsan qaabka loo samaynayo dhinac maamulka magaalada iyo maamul Gobolleedkaba arrinkaas oo ay aragtiyo kale duwan ka qabaan dhinac madaxda Dowllada Federaalka ee uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare Saacid iyo Guddoomiyaha maamulka ku meel gaarka ah ee Axmed Madoobe.
Ra’iisul wasaarha DFS Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa isagu waxaa la sheegayaa in uu qabo in maamul ku meel gaar ah oo 6 bilood ah ay dowllada u soo magacowdo Gobollada Jubooyinka , iyo Gedo halka Madaxda maamulka ku meel gaarka ee magaalada Kismaayo iyo odayaasha dhaqanka ee ku sugan Kismaayo ay qabaan in maamul Gobolleed la sameeyo dowlladuna ay kaalinteeda ku aadan ay qaadato.
Ilaa hadda waxaa socda kulamo fool ka fool ah oo ay wada yeelanayaa Ra’iisul wasaaraha DFS Saacid iyo Madaxda maamulka ku meel gaarka ah ee Kismaayo iyo xubno ka tirsan Saraakiisha ciidanka Kenya iyo kuwa Raaskaambooni, Ra’iisul wasaaraha DFS Saacid ayaa la sheegayaa in uu doonayo in guddoomiyaha koowaad ee ku meel gaarka ah uu u magacaabo Axmed Madoobe arrinkaas oo uusan doonayn Axmed Madoobe oo ku adkeysanayo in maamul Gobolleed la yiraahdo Juballand la sameeyo dowllada Federaalkana ay ku dhaqanto Dastuurka dalka ee iyaga lagu doortay
A/cawaale
Halgan.net