Kismaayo:-Waxaa maalinta birito ah dib u bilaaban doona kulankii u dhexeeyey Masuuliinta DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana uu ka dhici doonaa Hotel Tawakal iyada oo ay jirto qodobo aan si rasmi ah wili looga heshiin balse labada dhinac waxay rajo ka muujiyeen galabta maqribkii in ay jiraa ififaalo wanaagsan .Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saxaafada la hadlay caawa waxaana uu sheegay in ay wili socdaan kulamdii u dhexeeyey DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo ayna rajo weyn ka qabaan in ay guul ku dhamaadaan.
Wasiirka ayaa sheegay in ay kulmeen gudiyo ay soo magacaabeen DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in laga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin dakhliga ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo arrimaha Federaalka wuxuuna sheegay in ay jiraan is faham labada dhinac.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in amaanka magaaada uu wanaagsan yahay wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan Khilaaf iyo in DFS ay iyadu Maamul u soo sameynayso magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in kulamada u dhexeeya labada dhinac ay socdaan lana sameeyey gudiyo farsamo aysana jirin is faham daro .Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu sheegay Raisulwasaare Saacid in uu qadarin doono rabitaanka dhacabka degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Cabdi Yare
Kismaayo