Wararkii ugu danbeeyey ee magaalada Kismayo ee xarunta gobalka J/hoose

March 27, 2013 - Written by

kismaayoKismaayo:-Waxaa maalinta birito ah dib u bilaaban doona kulankii  u dhexeeyey Masuuliinta DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana uu ka dhici doonaa Hotel Tawakal iyada oo ay jirto qodobo aan si rasmi ah wili looga heshiin balse labada dhinac waxay rajo ka muujiyeen galabta maqribkii in ay jiraa ififaalo wanaagsan .Wasiirka Arrimaha Gudaha ee DFS C/kariin Xuseen Guuleed ayaa saxaafada la hadlay caawa waxaana uu sheegay in ay wili socdaan kulamdii u dhexeeyey DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo  ayna rajo weyn ka qabaan in ay guul ku dhamaadaan.

Wasiirka ayaa sheegay in ay kulmeen gudiyo ay soo magacaabeen DFS iyo Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo waxaana uu sheegay in laga wada hadlay arimo ay ka mid yihiin  dakhliga ka soo xarooda Dekedda iyo Garoonka, iyo arrimaha Federaalka wuxuuna sheegay in ay jiraan is faham labada dhinac.
Dhanka kale Afhayeenka Maamulka KMG ee magaalada Kismaayo C/naasir Seeraar Maax ayaa sheegay in amaanka magaaada uu wanaagsan yahay wuxuuna meesha ka saaray in ay jiraan Khilaaf iyo in DFS ay iyadu Maamul u soo sameynayso magaalada Kismaayo wuxuuna sheegay in kulamada u dhexeeya labada dhinac ay socdaan lana sameeyey gudiyo farsamo  aysana jirin is faham daro .Raisulwasaaraha DFS Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana uu sheegay Raisulwasaare Saacid in uu qadarin doono rabitaanka dhacabka degan gobalada Jubooyinka iyo Gedo.
Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
March 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online