Wasiir ku xigeenka G/dhiga iyo abaanduulaha ciidanka DFS oo gaaray Baydhabo
March 19, 2013 - Written byWafdika tirsan DFS ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay waxaana wafdiga horkacaya wasiir ku xigeenka wasaaradda G/dhiga, Axmed Maxamed Maxamuud waxaana garoonka magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan DFS iyo kuwa AMISOM.
Wafdiga ka tirsan DFS oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka mid ah wasiir ku xigeenka wasaaradda G/dhiga , Axmed Maxamed Maxamuud, wasiiru dowlaha wasaaradda maaliyadda iyo qorshaynta, Maxamed Rashiid Sheekh Daahir iyo abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jen Cabdirsaaq Khaliif Cilmi.
Imaanshaha magaalada Baydhabo wafdiga ka tirsan DFS ayaa ku soo aadaya xili la sheegayo in ciidamada Itoobiya ay ka baxayaan gobalada Bay iyo Bakool iyo deegaano ka tirsan Bakool ay dib u qabsadeen Al-Shabaab.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net