Weriye Cabdicasiis Ibraahim (Koronto) oo dib u helay xorriyaddiisa
March 17, 2013 - Written byMuqdisho:-Maxkamadda sare ee DFS ayaa maanta sii deysay Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) oo loo heystay wareysi uu ka qaaday haweeney sheegtay in ay kufsadeen ciidamada DFS waxaana in mudo ah u xirnaa maxkamada gobalka Banaadir oo ku eedeysay in uu war been ah ka faafiyey ciidana Booliska Soomaaliya.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee DFS , Caydiid Cabdullaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in dambi baarayaashii ku lugta lahaa dacwadda loo haystay weriyaha Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) ay sharci ahaan marin habaabiyeen maxkamadda,wuxuuna amray in la sii daayo wariye C/casiis Koronto.
Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim (Koronto) ayaa ka tirsan idaacadda Dalsan ee Muqdisho waxaana xabsiga la dhigay 10-kii Jan 2013 ka dib markii qoraal iyo warbixin la sheegay in uu ku faafiyey TV Universal iyo bogga Al Jazeera.
Weriye Cabdicasiis Cabdinuur Ibraahim ayaa markii uu maanta dib u helay xoriyadiisa waxaa uu u mahad celiyey dhamaan dadkii ka qeybqaatay sii deyntiisa .
C/Casiis Maxamed
Halgan.net