Yaa diley Cusmaan ina Cafaan? Qaybtii 3aad. W/Q Sh Fu’aad Max’ud Xaaji Nuur

March 10, 2013 - Written by

fuaadDadkii fitna wadayaasha ahaa waxa aan soo sheegnay in ay dacaayado ka faafin jireen khaliifkii ummadda Cusmaan A.K.R.N, haddaba waxaa iswaydiin mudan maxay ahaayeen dacaayadahaasi? maxaase ka run ahaa?, mise wuxuba waxay ahaayeen kutiri kuteen la dhoobdhoobay, oo loo ekaysiiyay run.? Dacaayadahaasi way badnaayeen waxaanse ka jawaabeynaa midda ugu weyned uguna mudnayd, inta kalena tan ayaa kaaga filan amaba adiga ayaa dantaa uga bogan doona.

  1. Waxa ay meel walba mariyeen in uu xukunkii ka simay reer Umayah oo ahayd jifa hoosaadkii Cusmaan A.K.R.N uu ka ahaa tolwaynaha Quraysheed, waxa ayna magacaabeen rag reerkaas ahaa oo uu ugu horreeyo Mucaawiye ina Abiisufyaan A.K.R.N, waxaa kale oo ka mid ahaa raggii ay magacaabeen C/llaahi ina Caamir ina Qurayd A.K.R.N, Marwaan Ina Xakam iyo rag kale, waxaan marka hore kuu soo bandhigayaa dawladdii Cusmaan A.K.R.N qaabka ay u dhisnayd iyo raggii hogaaminayey, aniga oo sheegi doona mid walba magaciisa iyo jifadiisaba, marka aad aragtid shaxda amaa jaantuska dawladdaas waxa aad ogaaneysaa in been qaan gaar ah dadka lagu canqariyay ilaa run la moodey, intaas kaddib waxa aan xoogaa ka sheegi doonaa kaalintii iyo muggii reer Umayah, waxaa kale oo aan ka hadli doonaa raga reer Umayah ee dawladdaas ka tirsanaa maxay ahaayeen, maxay galijireen ama gudi jireen.
  • Marka fitnowadayaashu ay Cusmaan A.K.R.N dacaayadaynayaan oo ay rabaan in ay Imaamnimada ka ridaan dawladdiisu waxa ay u dhisnayd sidaan soo socota.
  • Maamulka sare: Qadaha(Superior Court) waxaa madax ka ahaa Sayd ina Saabit  A.K.R.N oo Ansaari ahaa, Baytulmaalka (Minister of Finance) waxaa madax ka ahaa Cuqbah ina Caamir A.K.R.N oo Juhani ahaa, Xajka (Minister of Hajj) waxaa madax ka ahaa C/llaahi ina Cabbaas A.K.R.N oo Haashimi ahaa, Kharraajka waxaa madax ka ahaa Jaabir oo Musani ahaa iyo samaak oo Ansaari ahaa labadaba A.K.R.N, Xarbiga (Minister of Defence) waxaa madax ka ahaa Al-qacqaac ina Camar oo Tamiimi ahaa, Shurddada (Police Commander) waxaa madax ka ahaa C/llaahi ina Qunfud A.K.R.N oo Taym u dhashay, akhristoow lixdaas jago waxay ahaayeen lixda jago ee dawladdaas u sarreysey ogowna hal reer Umayah ahi kuma jiro.
  • Waaliyadii gobollada kala fadhiyeyna waxay ahaayeen sidaan soo socota: Yemen waxaa waali (Governor) ka ahaa Cali ina Umayah oo Tamiimi ahaa, Makkah waxaa waali ka ahaa C/llaahi ina Camar A.K.R.N oo Xadrami ahaa, Hamadaan waxaa waali ka ahaa Jariir ina C/llaahi Al-bajali A.K.R.N, Daaif waxaa waali ka ahaa Al-qaasim ina Rabiicah oo Saqafi ahaa A.K.R.N, Kuufah waxaa waali ka ahaa Abu-muusaa Al-ashcari A.K.R.N, Basra waxaa waali ka ahaa C/llaahi ina Caamir ina Qurayd oo reer Umayah ahaa, Masar waxaa waali ka ahaa C/llaahi ina Sacad ina Sarx A.K.R.N, Shaam waxaa waali ka ahaa Mucaawiye A.K.R.N oo reer Umayah ahaa, Xims waxaa waali ka ahaa C/raxmaan ina Khaalid ina Alwaliid oo Makhsuumi ahaa A.K.R.N. Qunsariin waxaa waali ka ahaa Xabiib ina Maslamah oo Haashimi ahaa A.K.R.N, Urdun waxaa waali ka ahaa Abul-acwar Al-sulami A.K.R.N, Filistiin waxaa waali ka ahaa Calqamah ina Xakam oo Kancaani ahaa A.K.R.N, Al-baxr Al-abyad Al-mutawadsid waxaa waali ka ahaa C/llaahi ina Qays oo Fisaar u dhashey A.K.R.N, Adarbijaan waxaa waali ka ahaa Al-ashcas ina Qays oo Kindi ahaa A.K.R.N, Xilwaan oo Faaris ka tirsanayd waxaa waali ka ahaa Cutaybah ina Nuhaas Al-cijli A.K.R.N, Asfahaan waxaa waali ka ahaa Al-saaib ina Al-aqrac oo Saqafi ahaa A.K.R.N, waxaa xusid mudan in waaliyadaan faraha badan oo gaaraya 17 waali ay labo nin kalya yihiin reer Umayah waana Mucaawiye iyo C/llaahi ina Caamir ina Qurayd labadaba A.K.R.N, yaab hashu maankeygay gaddaye ma masaar bay laqdey!!!, xaggee laga keenay oraahda ah reer Umayah ayaa xukunkii isku koobay taas oo bilaabatay waagaas ilaa haddana joogta oo aad arkaysid qaar aaminsan ama meelaha ku soo qoraya si aan xishood lahaynl!!.
  • Reer Umayah waxay ahaayeen qabiilo ballaaran oo ka mid ah qabaailka carbeed qabiilooyinkii ugu mudnaa xilligaas, waxaa aad ugu badnaa raga xikmadda iyo hoggaanka ah, waxay ahaayeen qabiilo lagu yaqaan sharaf iyo hormuudnimo, sidaa darteed waxaa jagooyin badan u dhiibay Nabi Muxamed S.C.W.W.A, Makkah markii la furtay wax uu madax uga dhigay Citaab ina Usayd oo reer Umayah ahaa oo waliba xilligaas 20 jir ahaa, Najraan waxaa uu madax uga dhigey Abaa-sufyaan ina Xarbi, Sanca,Yemen iyo waliba sadaqaatkii reer mudaxaj waxa uu madax uga dhigey Khaalid ina saciid ina Al-caas oo isna Umawi ahaa, sidoo kale Taymaa’, Khaybar iyo Tuulloyinkii Curaynah waxa uu madax uga dhigey Cusmaan ina Saciid ina Al-caas oo Umawi ah, Baxreyn waxaa iska baddeley Al-calaa ina Xadrami oo xaliif la ahaa Umawiyiinta iyo Abaan ina Saciid ina Al-caas oo Umawi ahaa, sidoo kale waxaa jagooyin muhiim ah u dhiibaey Abu-bakar A.K.R.N, waxaa isna magacaabay rag reerkaas ah Cumar Al-faaruuq A.K.R.N sida Yasiid ina Abii-sufyaan iyo walaalkii Mucaawiye ina abii-Sufyaan. Haddaba Umawiyiintu waxay ahaayeen reer majo iyo magoolba ka buuxa oo aan cidina inkiri karin, waa nimanka taariikhda baal dahab ah ka galay Islaamkana gaarsiiyay heer sare xilligoodii. Marka waxaan filayaa inaad garatay beenta Fitnoolayaasha, waayo Cusmaan jagooyinka uu u dhiibey waxaa ka badnaa kuwii ay udhiibeen Nabiga S.C.W, Abuubakar iyo Cumar A.K.R.N labadaba, waxaa laga yaabaa in lagu yiraahdo labadaa nin kaliya ma ahayn ee waxaa jiray Marwaan ina Al-xakam, ninkaasi ma hayn wax jago ah laakiin waxa uu ahaa la taliye kaliya, waxa uuna ahaa ninkaasi Odey ruug caddaa ah oo xikmad iyo caqli ka buuxaan, Al-qaadi Ina Carabi ayaa ku sheegay kitaabkiisa Al-cawaasim mina Al-qawaasim in Marwaan uu yahay nin caaddil ah oo ummadda raggeeda waaweyn ka mid ah ayna qaddariyaan Saxaabada, Taabiciyiinta iyo Fuqahada muslimiintu. Waxaa kale oo jirtey in saxaabo badani ka wariyeen wax Marwaan.
  • Haddaba haddaad ogaatey in dawladdii Cusmaan A.K.R.N ay ku jireen labo waali oo Umawiyiin ah, aadna ogaatey xajmiga ay lahaayeen reer ahaan Umawiyiintu, oo ay istaahileen intaasiyo  ka badan, walibana ay jagooyin badan soo qabteen xilligii Nabiga S.C.W.W.A, xilliyadii Abu-bakar iyo Cumar labadaba A.KR.N, waxaad garan kartaa in aysan arrintu ugub ahayn ee ay tahay soo yaal, haddaba bal labada nine e ku jiray dawladdaan aan xoogaa kaaga bidhaansho si aad u ogaatid bal iyaguna waxay ahaayeen.
  • Mucaawiye Ina Abi-sufyaan: Waxa uu ka mid ahaa raggii Nabiga S.C.W waxyiga ka qori jirey, Abu-bakar A.K.R.N waxa uu ku xigeen uga dhigey Ciidankii uu watey walaalkii Yasiid ina Abi-sufyaan ee u baxay in ay la diriraan Roomaankii Shaam joogey, Cumar A.K.R.N waxaa uu u magacaabay waaligii Xims, markii dambena waxaa uu u dhiibey Shaam oo dhan, waxaa ammanay saxaabo badan, waxaa ka mid ah Sacad ina Abi-waqaas A.K.R.N waxaa uu yiri: Ma arag cid ka xaq soorid badan Cusmaan gadaashii ninka Al-baabkaan ku jira inta uu tilmaamay Al-baabkii Mucaawiye A.K.R.N, waxaa kale oo amaanay C/llaahi ina Cabbaas Asaga iyo aabbihiiba A.K.R.N waxaa uuna yiri: Ma arag nin xukun uga toolmoon ama uga wanaagsan Mucaawiye, haddaba akhristoow Mucaawiye waxa uu ahaa nin xikmad badan oo dulqaad badan jecel dadka uu xukumo, sidaas oo kale waxaa jeclaa dadka uu xukumayey, waxaa uu ahaa nin ay gacantiisa umado ku soo islaameen, islaamkana gaarsiiyey meel sare, Marka ma waxaa dambi noqotay in Cusmaan uu magacaabo!!!. Waa gardarro aan geedna loogu soo gabban oo lagula kacay khaliifka A.K.R.N.
  • C/llaahi ina Caamir ina Qurayd: waxaa uu waali ka ahaa Basra, C/llaahi waxaa uu ahaa nin Umawi ah dhanka kalena waxaa uu ahaa Haashimi oo Nabiga S.C.W eeddadiis ayaa hooyadii dhashay, markii uu dhashay Nabiga S.C.W ayaa lo keenay markaas ayuu yiri anaga ayuu nooga kiin eg yahay (yacnii idinka umawiyiinta ah), markaas ayuu afka kaga tufay oo yiri waxaan rajaynayaa inuu noqdo mid la waraabiyey, Ibnu Xajar ayaa ku sheegay kitaabka Al-isaabah in C/llaahi dhulka uu u gacan qaadaba biyo ka soo burqan jireen, C/llaahi waxaa uu furtey dhul fara badan sida Khuraasaan oo dhan, Faaris dhinacyadeedii, Saajistaan, Kurmaan markii ay ballantii ka baxday isagaa ayaa dib u qabsaday, sidaa darteed waxaa la oran karaa waxaa uu ahaa ninkii quusiyey boqortooyadii Beershiya (Faaris) waana sababka ay shiicadu u necebtahay ninkaan, ogoowna inta uu waxaas oo dhan qabanayo da’diisu kama waynayn 25 jir, Ibnu Kasiir waxaa uu ku sheegay kitaabkiisa Al-bidaayah wanihaayah in uu C/llaahi ahaa ninkii ugu horreeyay ee darar biyood ka sameeya Carafa oo walibana u soo jiidey biyo macaan si xujeydu u cabto, Ibnu Taymiye ayaa isna ku sheegay kitaabkisa Minhaaju Al-sunnah in C/llaahi uu lahaa wanaag fara badan dadkuna ay jeclaayeen, haddaba soo ma aadan garan beenta fitnoolayaasha iyo in ay u socdeen in ay dumiyaan jiritaankii muslimiinta iyo in ay dacaayadeeyaan khaliifka dadkana ka horkeenaan kaddibna ay dilaan.
  • Waxaa kale oo ay dawladdii Cusmaan A.K.R.N ku dacaayadeeyeen in uu nin Faasiq ah u dhiibay Kuufah, haddaba nika ay sheegayaan waa kee?, maxaadse ka taqaaan ninkaas?, Al-waliid ina CuqbahAl-qaadii Ibnu-Alcarabi wuxuu ku sheegay kitaabkiisa Al-cawaasim minalqawaasim in qofkii ku sheega Al-waliid fisqi uu isagu yahay Faasiq, Waxaa uu ahaa ninkii Abu-bakar A.K.R.N uu ku aaminey waraaqihii ay isu dirayeen isaga iyo Khaalid ina Al-waliid A.K.R.N markii ay socotey dhacdadii Masaar taas oo dhexmartay Faaris iyo Muslimiinta, waxayna  ahayd sir aad u adag, waxaa uu madax ka ahaa ciidankii gurmadka ugu tagey Ciyaad ina Qanam dagaalkii Dawmata Al-jandal, sannadkii 13aad waxaa uu Abu-bakar A.K.R.N u dhiibey Al-waliid Sadaqaatkii Qudaacah, hadde Abu-bakarna A.K.R.N wxaa uu ahaa nin markuu madaxda dooranayo aan gafin ee isha ka rida!!, Cumar A.K.R.N wuxuu madax uga dhigey ninkaan Imaaradii qabaailkii kala ahaa reer Taqlib, Tanuukh, Rabiicah iyo Carabtii Jasiiradda, si uu muslimiinta uga ilaaliyo dhabar jabin ku dhacda, hawshaasna wuxuu uga soo baxay si hawlkarnimo iyo mas’uuliyadi ku dheehantahay, waliba waxaa uu bilaabay in uu dacwada ku faafiyo kiristankii halkaa degenaa, ilaa ay qabaailkii kiristanka ahaa ku soo dacweeyeen Cumar A.K.R.N oo ay dheheen da’yartii ayuu naga kaxaystay oo uu islaamiyey, haddaba soo taasna ma aadan ogaan in ay khaliifka iska maageene uu ninkaanu yahay haldoor istaahila in uu Kuufah xukumo, ogoowna waxaa uu joogey Kuufah 5 sano aadna waa looga jeclaa, wuxuuna ahaa nin aan gurigiisa martidu ka dhamaan oo deeq badan, wuxuu ahaa nin dhul badan ka furtey Faaris, wuxuu ahaa nin aan xaqa cidna uga baqin, laakiin isagoo intaas oo dhan ah ayaa Shiicadu ku sheegtay ninkaan in uu yahay ninkii qur’aanku ku tilmaamay fisqiga, ee inta la yiri orod sadaqaatka ka soo qaad Reer Musdaliq moodey iney dilayaan ee inta soo noqdey Nabiga C.S.W siiyey warbixinta khaldan, laakiin waxaad ku qabowdaa wax xadiis ah oo saxiix ah oo sheegaya in ninkaasi ahaa Al-waliid ma jiro, tan kale wuxuuba islaamey isagoo yar markii Makka la furtey, sidee marka ilmo yar loogu direy hawshaas culus, waliba waqtigii Abubakar iyo Cumar A.K.R.N labadaba wuxuu ahaa nin aan gaarin labaatan jir, walibana sida aad soo aragtey labaduba aad bey ugu kalsoonaayeen suurta galna ma ahaateen iney saas ugu kalsoonaadaan nin qur’aanku ku sheegey fisqi, waxaa kale oo jirtey in ay ku been abuurteen Al-waliid niman sadex ahaa oo uu xad ku oogey wiilal ay dhaleen, sadexdaas nin oo ahaa dad fitnaysan oo waliba midkood uu Cusmaan ka soo masaafuriyey Madiina kaddib markii uu guursadey naag aan ciddo dhamaysan!!!.
  • Akhristoow haddaad ogaatey in Cusmaan A.K.R.N dawladdiisii ay ka duwaneyd sidii ay sheegeen fitnooleyaashu, oo aan xagga xukunka is dultaagey mid mid, waxaad ogaataa tuhmadaha kalena waxay ahaayeen been run loo ekeysiiyey, haddaan damacno in aan kulli ka jawaabnana waxaa inala dheeraanaya qoraalka, waxaana ka mid ahaa tuhmooyinkaas, Qur’aanka jamcintiisu waa bidco, Salaadaha ayuu dheereeyey isaga oo Mina jooga, Abu-dar ayuu u masaafuriyey Al-rabadah, Abu-dardaa’ ayuu isna masaafuriyey, Cammaar ayuu caloosha dooxay, Ibnu-mascuud ayuu garaacey, ul ushii Cumar ka weyn ayuu wax ku garaaci jirey iyo waxyaabo badan oo la mid ah oo kulligood isugu jira been iyo wax Ijtihaad ah sida tan Salaadda, haddaba haddaad rabtid inaad ka bogatid ugu noqo kutubta taariikhda ee Ahlu-sunnaha.

Qorshayntii dilkii Cusmaan A.K.R.N.

Sannadkii 35aad bishii shawwaal dhamaadkeedii iyo bilowgii Dilqacidah, ayaa fitnoolayaashii isu habar wacdeen iyaga oo leh waxaan u soconnaa Xaj, waxey ka soo kala bexeen Basra, Kuufa, iyo Masar ayagoo ku soo socda Madiina, waxeyna u dhisnaayeen sidaan.

Basra: waxaa ka soo baxay ciidan u dhexeeya 600 ilaa kun nin, waxey u qaybsanaayeen afar madax, waxaana kala hoggaaminayey Xakiim ina Jabalah, Bishir ina Shureyx, Dureyj ina cubaad, Ibnu Al-muxarik Alxanafi iyo Xarquus ina Suhayr oo dusha ka wada xukumayey.

Kuufah: waxaa ka soo baxay ciidan isna afar madax ah oo ay kala wateen Al-ashatar Al-nakhaci, Sayd ina suuxaan, Siyaad ina Al-nadar, C/llaahi ina Al-asam iyo Camr ina Al-asam oo dusha ka wada horkacayey, iyaguna waxay u dhexeeyeen 600 ilaa 1000 nin.

Masar:  waxaa ka soo baxay ciidn isna u dhexeeya 600 ilaa kun nin, oo uu hormuud u ahaa Al-qaafiqi ina Xarbi, waxaana taliye horimeedyo ka kala ahaa C/raxmaan ina Cudeys, Kinaana ina Bishir, Sawdaan ina xumraan iyo Qudayrah Al-sukuuniyi, kulligoodna waxay madax ka dhigteen Al-qaafiqi ina Xarbi ninkaas oo ahaa nin ka soo guurey Yemen degeyna Masar ahaana nin fitnada aan qarsan, waxaa kale oo lagu sheegay in uu ahaa nin jecel in la sheegsheego jecel kursiga, ahaana aftahan, waxaa kale oo lagu sheegay in uu diinta wax ka yaqaaney.

Fitnoolayaashii waxay ku soo dhawaadeen Madiinah, waxay degeen meel ku dhow magaalada, waxaa la socdey C/llaahi ina Saba’ oo laakiin xaska isku qarinaya (sirdaab).

Ragga fitnadu waxay isku raacsanaayeen in la casilo Cusmaan, waxay isku khilaafsanaayeen cidda baddali doonta, qolo walbaa waxay lahayd hebel, ogow hebelkuna waa saxaabi wayn oo la yaqaan, sababtuna waxaa weeye dadkaanu waa dad (Majaahiil) lamayaqaan wada ah, marka hadday sheegaan mid iyaga ka mid ah cidina ka qaadan mayso marka si ay dadka u khaldaan waa in ay sheegaan cid la garanayo.

Reer Masar waxay sheegeen Cali ina Abi-daalib, Reer Basra iyaguna waxay sheegeen Dalxa ina Cubaydillaah, Reer Kuufana waxay sheegeen Al-subeyr ina Al-cawaam kulliba A.K.R.N, markii reer Madiina ay ogaadeen sharta ay nimankaanu maleegayaan iyo hindisaha ay la socdaan ayaa Cusmaan A.K.R.N wuxuu u diray qolo walba saxaabigii ay saanteen.

Cali markuu la kulmay reer Masar ayuu aad u canaantey oo ku yiri: Dadka wanaagsani waxey ogyihiin inaad malcuuniin tihiin ee naga noqda waa sani idiinma beryee!!!, labadii saxaabi oo kalena waxay qolyihii kale ku yiraahdeen hadal aan kaas ka fogeyn giddigoodba A.K.R.N.

Markii xaal sidaas noqdey ayaa fitnoolayaashii waxay dalbadeen in ay la kulmaan Cusmaan A.K.R.N waana la kulmeen waxaa ay kala doodeen beenihii iyagu ay sameeyeen laakiin muddo dheer kaddib ay moodeenba wax run ah, Khaliifkuna kulli waa uga jawaabey, waxay ka dalbadeen dalabyo badan oo ay ugu muhiimsanayd in Masar laga qaado C/llaahi ina Abii-sarx loona dhiibo Mux’ed ina Abii-bakar kulliba A.K.R.N, Cusmaanna waa ka ogolaadey A.K.R.N.

Intaa kaddib waa noqdeen fitnoolayaashii, muslimiintuna habeen wanaagsan bay seexdeen, waxaase xusid mudan in fitnoolayaashu u qaybsanaayeen, kuwo u socda in ay Islaamka xididdada u siibaan sida Ina Saba’, qaar qabyaaladi indha tirtey sida qabaa’ilkii Yemen gaar ahaan reer Sukuun waxa ay isku dhererinayeen qureyshta, qaar xad laga oogey ama qaraabo la ah mid xad laga oogey laakiin santaagaya oo la xanaaqsan, kuwo xukun doon ah oo u ooman in mar uun madax laga dhigo sida Al-qaafiqi ina Xarbi iyo Al-ashtar Al-nakhaci, iyo qaar Cusmaan A.K.R.N uu aad u karaameeyey, wanaag oo dhana u galay laakiin noqday (Ciirtaa dhamaa Caydaa yaqaan) sida Mux’ed ina Abii-xudeyfa, ilaa yaraantiisii ayuu soo biilay koriyey laakiin wuxuu noqdey abaal laawe oo waa ninkii waraaqaha been abuurka ah qori jirey, waxaa kale oo jirey qolo xadgudub ku can baxdey oo wax walba dardhaaf ku samaynayey iyo qaar badan oo jahli iyo doqonimo kulansadey oo khayr doon ah, kuwaas faraha badani markii wada hadalkii dhamaadey waxay bilaabeen in ay noqdaan, laakiin nimankii madaxda fitnada ahaa waxa ay bilaabeen in ay arrinka fashiliyaan oo fitnadu circa isku shareerto.

Markii la noqonayey waxaa Madiina ku haray Xakiim ina Jabalah iyo Al-Ashtar Al-nakhaci, waxa ay ugu hareen meeshana lama garan karin!, waxaa laga daba diray nimankii sii socdey warqad uu sido nin aan la aqoon oo hadba inta meel iska tusa haddana ka libdhayey ilaa ay shakiyeen oo inta qabteen ayey yiraahdeen maxaad ahayd wuxuu yiri Ergey Cusmaan Masar u soo diray baan ahay markii uu saas yiri ayey baareen waxaa laga helay warqad ay ku qorantahay in nimanka la laayo Mux’ed ina Abii-bakarna la dilo waxaana ku saxiixan Cusmaan A.K.R.N, ogow warqaddu waa been abuur kan sidaa waa adeege la laadlaadshey, waxaase yaab leh kuwaan warqadda helay oo reer Masar ah la garaye yaa iyagana u warramey qolyihii Basra iyo Kuufa oo ay waa hore kala leexdeen!!!, maxaa yeelay qolona waxay u dhaqaaqdey W/galbeed qolona W/bari marwalba oo ay sii socdaanba way sii kala fogaanayeen!!, markii ay qoraalkii arkeen ayey caroodeen waxayna dib ugu soo laabteen Madiina waana abbaarihii bartamihii dulqacidah sanadkii 35aad, waa meel balo ka shaqeysanaysee intey soo socdeen ayey waxay heleen warqad kale oo uu ku saxiixan yahay Cali A.K.R.N oo uu kaga dalbanayo iney Madiina ku soo noqdaan ogow warqaddaanina waa been abuur.

Muslimiintii Madiina waxey la yaabeen soo noqodka nimankaan, waxaa la hadlay Cali A.K.R.N wuxuu yiri maxaa idin soo ceshay, waxey yiraahdeen soo ma aadan arag Cadawga Allaah waxa uu naga qorey (Waxay Cadow Alle ku sheegayaan waa Cusmaan A.K.R.N)!!, dhiigiisu waa noo bannaan yahay ee kaaley na raac, Cali A.K.R.N wuu la yaabay wuxuuna yiri war naga taga raaciddiina maahee!!, waxay yiraahdeen maxaad noogu soo qortey inaan soo noqono, wuxuu yiri Allaah baan ku dhaartaye in aanan waxba idiin soo qorin, way is fiir fiiriyeen, intii ay wada hadlayeen ayaa waxaa soo galay reer Basra iyo Kuufa, waxaa la yiri haye idinkana maxaa idin helay oo idin soo ceshey, waxay yiraahdeen walaalahayo reer Masar baan hiil u nahay, Cali A.KR.N ayaa yiri oo maxaa idin ogeysiiyey waxa reer Masar dariiqa ay kula kulmeen idinka oo fogaantaas jira ilaa aad nagu soo rogaal celiseen wallee waa arrin Madiina laga qorsheeyey!!!.

Markii xaalkii adkaadey oo ay markaan ku adkaysteen in Khaliifka la casilo, ayaa Cusmaan A.K.R.N loo tagey oo la waydiiyey qoraalka ay sheegayaan, waxa uuna yiri Wallaahi ma qorin oo ma yeerin waxbana kama ogi, tiimbaruhuna waa been abuur, waxay yiraahdeen marka Marwaan baa qoray, ee noo soo dhiib, laakiin Cusmaan A.K.R.N wuu ka diidey, asagoo ka baqay in ay dilaan waayo Marwaan ma qorin warqadda, laakiin arrinku waa (Hal diideysaa geed ay ku xoqato ma weydo), muddo ayaa dooddaasi soctey dadkuna wuxuu ahaa wax walbaale mid run moodey iyo mid beeniyeyba.

Fitnoolayaashu markaas ugu yaraan waa 2000 oo askari, halka Madiina ay joogeen rag ka yar 700 oo nin, Ciidamadii muslimiintu furimha jiidda hore ayey ku maqnaayeen, qaarna gobollada ayey kala jireen, sidoo kale rag badani Xaj ayey ku maqnaayeen.

Fitnoolayaashii waxa ay soo saareen qoraal ay leeyihiin ninkii gacantiisa naga ceshadaa waa nabad gelayaa, Cusmaan A.K.R.N maalin Jimce ah ayuu ka hadlay masjidka waxa uu abhiyey nimankaas soo galootiga ahaa, waxa uu yiri reer Madiina waa ogyihiin in aad malcuuniin tihiin ee Allaah u noqda oo xumaanta wanaag ku bedela, waxaa istaagay oo u markhaati kacay Mux’ed ina Maslamah A.K.R.N laakiin waxaa ka ag kacay Xakiim ina Jabalah oo xoog ku fariisiyey oo waliba caayey!!,  sidoo kale waxaa u markhaati kacay Sayd ina Saabit A.K.R.N isagana waxaa hoos u dhuftey oo yiri fariiso oo waliba caayey nin ragga fitnada ka mid ahaa!!, markaas ayaa waxaa istaagey nin la oran jirey Jahjaah Al-qifaari oo ragga fitnada ahaa waxa uuna yiri asagoo la hadlaya Cusmaan A.K.R.N inta uu waliba ku soo dhaqaaqay oo ka dafay ushii uu cuskanaa ee uu Nabigu S.C.W.S uu cuskan jirey Abubakar iyo Cumarna A.K.R.N ay uga dambeeyeen, ayuu kala jabiyey ushii markaas ayuu yiri waxyohow cajuuska khalkhalay ama waxyohow dhogorta badani ayuu yir ka soo deg minbarka, waa markii ugu horreysay ee si caddaan ah loogu bareero khaliifka iyo saxaabada, kaddibna way dhagxiyeen ilaa qamiskiisa dhiigu uu qooyey, waxaa loo qaadey gurigiisii!!!, kamana uu soo bixin guriga fitnoolayaashiina way hareereeyeen, Salaadda waxaa dadka tujinayey Abu-hureyrah A.K.R.N, inkastoo riwaayadaha qaybtood sheegaan in uu tujinayey Al-qaafiqigii fitnoolaha ahaa laakiin waa riwaayado daciif ah, Cusmaan A.K.R.N waxaa uu ogaadey in aan kuwaanu turriinsho waxba ku lahayn, wuxuu waraaqo u direy madaxdii gobollada si ay ciidan ula soo gaaraan, laakiin ogow masaafadu waa dheertahay, sidoo kale maalin ayuu inta u soo baxay yiri war miyaanan ahayn ninka saas iyo saas ah waxaa uu tiriyey waxyaabo ka mid ah wax qabadkiisii iyo fadligiisii waana looga markhaati kacay, laakiin fitnoolayaashii oo haysta awoodda Madiina ayaa yiri ama is casil ama waa ku dileynaa!!!. Yaab.

Akhyaarey maanta halkaas haynoo joogto, waa inoo qormada dambe iyo maxaa dhici doona!!!.

 

W/Q Sh.Fu’aad Max’ud X.Nuur
Halgan.net

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. JazakaAllah kheyr

Leave a comment

*