Arday Dawro loogu soo gabagabeeyay Masjidka Al-Taqwaa ee Degmada Carmo (Masawiro)

July 4, 2013 - Written by Editor

Dawro (13)Boosaaso:-Xaflad siweyn loo soo agaasimay ayaa Shahaadooyin lagu guddoon siiyey Arday loo qabtay Dawro dhawr Beri uga soconaysay Degmada Carmo, Ardaydan shahaadooyinka la gudoon siiyey ayaa tiradoodu gaaraysay ilaa 50 Arday. Xafladda ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Carmo Eng. Ibraahim Shire Maxamed oo Ardayda ku booriyey in ay noqdaan dhalin yaro umadda wanaag u horseeda sidii kooxdii SYL oo xornimada usoo halgamay.

Sidoo kale waxaa xafladda hadal waano iyo wacyigelin isugu jira ka jeediyey Sh.C/raxmaan Maxamed Dhawre (Sh, Bukhaari) oo u sheegay ardaydii dowrada qaaday in looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan wixii ay dawrada ka barteen, sidoo kale wuxuu shiikhu tusaalayaal u soo qaatay dhalinyaradii asxaabta qaar ka mida sida Usaamata Ibnu Zayd iyo Muscab Ibnu Cumeyr oo uu sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ilaahay kitaabkiisa ku bar baaray ayna tahay in ay dhalin ayaradu ku daydaan.

Shahaadooyinka la gudoonsiiyay ardaydii ka faa’ideystay Dawrada  ayaa waxaa bixinaysay Mu,asasada Al-Minhaaj ee Dacwada Faraceeda Gobolka Bari.

no images were found

Si kastaba ha ahaatee Al Minhaaj oo ah Mu,asaso Dacwo oo shaqadeedu tahay Dacwada iyo khayr gaarsiinta umadda ayaa ah mid had iyo goor u taagan ka shaqaynta iyo ka miro dhalinta Dacwada, waxaana ugu dambayntii xafladdu ay ku soo gaba gabowday jawi aad u degan.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online