Ciidanka Melatariga Masar oo si rasmi ah xilka uga tuuray Madaxweynihii dalka Masar Maxamed Mursi
July 3, 2013 - Written by EditorQaahira:-Taliyaha ciidanka melatariga ee dalka Masar ahna wasiirka G/dhiga Jen C/fitaax Siisii ayaa goordhow si rasmi ah u sheegay in talada dalka ay si rasmi ah ula wareegeen waxaana uu eedeyn u soo jeediyey Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Mursi isaga oo sheegay in uu Mursi diiday talooyin badan oo uu soo jeediyey ciidanka qalabka sida ee dalka Masar.
Waxaa haatannka socda magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar Banaanbaxyo waaweyn oo ay dhigayaan taageerayaasha Madaxweyne Mursi waxaa kale oo si weyn loo maqlayaa dhawaqa rasaasta oo ay ridayaan ciidanka melatariga ee dalka Masar.
Inqilaabka ka dhacay caawa dalka Masar waxba kama duwan kii ka dhacay dalka Aljeeriya ka dib markii ay talada dalka ku guuleysteen Jabhadii Islaamiya ee Fis .
C/fitaax Muuse
Qaahira