Ciidanka Melatariga Masar oo bilaabay in ay ku faafaan xarumaha Muhiimka ah ee Qaahira.
July 3, 2013 - Written by EditorQaahira:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa sheegaya in markii ay dhamaatay mudadii ay u qabteen ciidanka Masar xukuumada Madaxweyne Maxamed Mursi iyo Mucaaradka ka soo horjeeda in ay xaliyaan Khilaafkooda ayaa waxa haatan si weyn u socda dhaqdhaqaaq ciidan kaas oo u eg inqilaab milatari.
Mucaarada Madaxweynaha dalka Masar oo u badan kooxaha cilmaaniyiinta ah ayaa horey ka bilaabay dabaadeg halka Madaxweynaha dalka Masar iyo xubno ka tirsan dowladiisa loo diiday in ay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan ama dalka ka baxaan
Wariyaha Halgan.net ee dalka Masar oo aan goordhow la xiriirnay ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ee dalka Masar uu dhaqdhaqaaq xoogan ka wado magaalada Qaahira waxaana la xanibay dhamaan shaqaalihii Madaxtooyada dalka Masar.
Dhanka kale Madaxweynaha dalka Masar ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad loo wada dhan yahay wuxuuna qoraalkiisa ku faafiyey barta uu facebook ku leeyahay hoos ka akhri.
no images were found
Ilaa haatan wax war ah sooma ay saarin hogaanka sare ee ciidanka melatariga ee dalka Masar.
Cabdifitaax Muuse
Qaahir
Halgan.net