Ciidanka Melatariga Masar oo bilaabay in ay ku faafaan xarumaha Muhiimka ah ee Qaahira.

July 3, 2013 - Written by Editor

breakQaahira:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa sheegaya in markii ay dhamaatay mudadii ay u qabteen ciidanka Masar xukuumada Madaxweyne Maxamed Mursi iyo Mucaaradka ka soo horjeeda in ay xaliyaan Khilaafkooda ayaa waxa haatan si weyn u socda dhaqdhaqaaq ciidan kaas oo u eg inqilaab milatari.

Mucaarada Madaxweynaha dalka Masar oo u badan kooxaha cilmaaniyiinta ah ayaa horey ka bilaabay dabaadeg halka Madaxweynaha dalka Masar iyo xubno ka tirsan dowladiisa loo diiday in ay wax dhaqdhaqaaq ah sameeyaan ama dalka ka baxaan

Wariyaha Halgan.net ee dalka Masar oo aan goordhow la xiriirnay ayaa sheegay in ciidanka qalabka sida ee dalka Masar uu dhaqdhaqaaq xoogan ka wado magaalada Qaahira waxaana  la xanibay dhamaan shaqaalihii Madaxtooyada dalka Masar.

Dhanka kale Madaxweynaha dalka Masar ayaa ku baaqay in la dhiso dowlad loo wada dhan yahay wuxuuna qoraalkiisa ku faafiyey barta uu facebook ku leeyahay hoos ka akhri.

no images were found

Ilaa haatan wax war ah sooma ay saarin hogaanka sare ee ciidanka melatariga ee dalka Masar.

Cabdifitaax Muuse
Qaahir
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online