Dawro loo qabtay Mu’adiniinta Masaajida Gaalkacyo oo soo gaba gabowday

July 6, 2013 - Written by Editor

Mu'adin (1)Gaalkacyo:-Dawradaani oo soconaysay Muddo labo Maalmood ah loona qabtay qaar ka mida Mu’adimiinta Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay ku soo Gabagabowday Gudaha Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Dawrada ayaa waxaa kasoo qabgalay in badan oo kamid ah Mu’adimiinta Masaajida Magaalada Gaalkacyo waxaana ay ku qaateen Duruus Dhawr ah oo kusaabsan Aadaanka iyo Mu’adinka.

Dawrda ayaa waxaa ay furantay Subixii Khamiista oo Taariikhdu ay kubeegnayd 25-Shacbaan-1434 waxaana ay soo gabagabowday Subixii Jimcaha oo Taariikhdu ay tilmaamaysay 26-Shacbaan-1434.

Mudadii ay socotay Dawradu ayaa waxaa ay Mu’adimiintu qaateen Sedex Cashar oo kala ah:-

1-الأذان وآدابه  waxaana soo jeediyay Sh.C/rizaaq Warsame Maxamuud.

2-تعريف المؤذن شروطه صفاته وفضله  waxaana soo jeediyay Al-Akh C/raxmaan C/nuur C/laahi.

3-تصحيح أخطاء يقع فيها بعض المؤذنين waxaana soo jeediyay Sh.C/caziiz Sh.Cali.

Dawrada oo ay Fulinaysay Munadamada Badar ee Ardada kabaxday Machadka Al-Faaruuq kana dhacaysay Xarunta Jaamacada Bariga Afrika ee Gaalkacyo ayaa waxaa ciwaankeedi ahaa (المؤذن مؤتمن ) Halkudhigeeduna waxaa uu ahaa Xadiithka Nabiga Salalahu Calayhi Wasalam :(المؤذنون أطول الناس أعناقاً يوم القيامة)

Dawrdada ayaa Hadafka laga lahaa waxaa uu ahaa inay isbartaan Mu’adimiintu la is waafajiyana Wakhtiyada Aadaamka iyo in Mu’adimiinta laga saxo qaar kamida Khaladaadka Aadaanka laga galo.

Gabagabadii Dawrda ayaa Mu’adimiintu waxaa ay sameeyay Tadbiiq Aadaamka ah iyada oo laga saxayay meelaha Khaladadkaaga ay kagalaan waxaana Dhamaan Mu’adimiintii kasoo qayb gashay Dawrada loo qaybiyay Jadwalka Xiliyada Aadaanka ee Bisha Ramadaan.

Halgan.net
Gaalkacyo

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online