Iska horimaad dhexmaray taageerayaasha Horseed iyo mucaaradka magaalada Gaalkacyo
July 3, 2013 - Written by EditorGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Galkacayo ee xaruunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in iska hor imaad khasaare geystey uu dhexmaray tyaageerayaasha ururka siyaasadeedka Horseed iyo shacab iyo siyaasiyeen ku sugan Gaalkacyo oo diidan Ururka Horseed oo uu gudoomiyaha u yahay Madax weynaha Puntland Dr.C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.
Iska Horimaadka ayaa bilaawday ka dib markii taageerayaasha Ururka siyaasadeedka Horseed ay dhoolatus banaanbax ah ku soo mareen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo iyaga oo qorsheynayey in ay isigu yimaadaan barxad weyn ee magaalada Gaalkacyo balse waxaa halkaas kaga hormaray Siyaasiyiin iyo dadweyne diidan Xisbiga horseed .
Iska horimaadka dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa ku dhintay ilaa haatan ilaa 3qof waxaa ku dhaawacmay 8 kale oo ay labo ka mid ah ay yihiin askar ka trsan Booliska Puntland. Masuuliinta gobalka Mudug ee Puntland ayaa ilaa haatan aan ka hadlin iska horimaadka dhexmaray taageerayaasha Xisbiga Horseed iyo dadweyne diidan xisbiga Horseed ,waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay qabtaan Shirja,aaid
M_M Deeq
Halgan.net