Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe oo lagu soo dhaweeyey Garoowe (Masawiro)

July 6, 2013 - Written by Editor

17Garoowe:-Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ”Ahmed Madoobe” ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliinta gobalka Mudug .

Ahmed Madoobe ayaa ugu mahad celiyey Masuuliinta gobalka Mudug sida weyn ay u soo dhaweeyeen waxaana uu kulan la qaatay Islaan Bashiir Islaan Cabdille .

Madaxweynaha Maamulka J/land Axmed Maxamed Islaam ”Ahmed Madoobe”  ayaa waxaa uu isla maanta u sii gudbay magaalada  Garowe ee xarunta Puntland waxaana ku soo dhaweeyey halkaas Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo Madaxweyna Ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire wasiiro,xildhibaano iyo marti kale.

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ”Ahmed Madoobe” ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey Maxamuud Yusuuf Aw-Libaax ,Prof.Gaandi ,,Gen.Maxamed Darwiish ,iyo siyaasiyiin kale .

no images were found

Wafdiga Madaxweynaha Maamulka J/land ayaa waxaa ay ka qeyb gali doonaan aaska AUN boqor Cadulaahi Boqor Muuse oo lagu aasi doono magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online