Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe
July 3, 2013 - Written by EditorGaroowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka dib safar shaqo oo ku kala bixiyey Kenya, Australia,iyo dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan , iyo Waxgarad kale duwan. Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa waxaa uu war bixin ka bixiyey safarkii uu ku soo maray dalalka Kenya , Australia iyo Dubia waxaan uu xusay in kulamo iyo shirar kale duwan uu la yeeshay Safiiro iyo Madax ka tirsan dalalka , Soomaaliya, Kenya ,Australia ,Britain ,Maraykan, Yurub iyo ururada AU , EU , IGAD.
no images were found
Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole ayaa waxaa uu Amaan u soo jeediyey Madaxda Puntlland iyo dadweynaha reer Puntlland isagoo uga mahad celiyey sidda wanaagsan ee ay uga qayb qaateen abaabulkii iyo isku soo baxyadii ay sameeyeen ururadda Siyaasadeed ee ka dhacay Gobollada Puntlland.
Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Boqor C/llaahi Boqr Muuse oo uu sheegay in dhawaan la keeni doono Puntlland isagoo alle uga baryey in uu u naxariisto Janadiisuna uu geeyo. Madaxweynaha Puntlland oo soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa uu eed u soo jeediyey Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolleedka Jubbaland.
Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxaa uu ku amaanay ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose sidda ay dhexdhexaad uga yihiin dagaalkii ka dhacay Kismaayo isagoo baaq u jeediyey beesha caalamka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadkii ku waxyeeloonay dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo
M_M_Deeq
Halgan.net