Madaxweynaha Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe

July 3, 2013 - Written by Editor

5Garoowe:-Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka dib safar shaqo oo ku kala bixiyey Kenya, Australia,iyo dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire , Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan , iyo Waxgarad kale duwan. Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole  ayaa waxaa uu war bixin ka bixiyey safarkii uu ku soo maray dalalka Kenya , Australia iyo Dubia waxaan uu xusay in kulamo iyo shirar kale duwan uu la yeeshay Safiiro iyo Madax ka tirsan dalalka  , Soomaaliya, Kenya ,Australia ,Britain ,Maraykan, Yurub  iyo ururada AU , EU , IGAD.

no images were found

Madaxweynaha Puntlland  Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Farole  ayaa waxaa uu Amaan u soo jeediyey Madaxda Puntlland iyo dadweynaha reer Puntlland isagoo uga  mahad celiyey sidda wanaagsan ee ay uga qayb qaateen abaabulkii iyo isku soo baxyadii ay sameeyeen ururadda Siyaasadeed ee ka dhacay Gobollada Puntlland.

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii Boqor C/llaahi Boqr Muuse oo uu sheegay in dhawaan la keeni doono Puntlland isagoo alle uga baryey in uu u naxariisto Janadiisuna uu geeyo. Madaxweynaha Puntlland oo soo hadal qaaday dagaalkii ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa uu eed u soo jeediyey Madaxda Dowllada Federaalka Soomaaliya isagoo ugu baaqay in ay taageeraan maamulka gobolleedka Jubbaland.

Ugu danbayntii ayaa  Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud waxaa uu ku amaanay ciidanka AMISOM ee ku sugan gobolka Jubbada Hoose sidda ay dhexdhexaad uga yihiin dagaalkii ka dhacay Kismaayo  isagoo baaq u jeediyey  beesha caalamka in ay gargaar deg deg ah u fidiyaan dadkii ku waxyeeloonay dagaalkii ka dhacay magaalada Kismaayo

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online