Munaasabadda loogu dabaaldegayo 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo Garoowe

July 1, 2013 - Written by Editor

Muqdisho:-Munaasabadda loogu dabaaldegayo sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya oo ku aadan maanta 1-da Luulyo ayaa waxaa ay ka dhacaday meelo kala duwan oo sida Muqdisho,Garoowe ,Boosaaso iyo Gaalkacyo.

Xaflad si heer sare ah loo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay xarunta gaadiidka booliska ee magaalada Muqdisho,waxaana Xaflada lagu maamuusayey sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya waxaana ka qeyb galay Munaasabadda madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Raysul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon, guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, wasiirro, xildhibaanno, iyo xubno ka tirsan labada Gole ee DFS.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ugu baaqay inay midoobaan oo ay garab istaagaan dowlad Federaalka Soomaaliya si dhibaatada looga baxo.Waxaa sidoo kale khudbad kooban ka jeediyey Munaasabadda 1-da Luulyo Raysul wasaare DFS Cabdi Faarax Shirdoon wuxuuna hambalyo u diray umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadiisa.
Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa waxaa sidoo kale lagu qabatay Xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe Munaasabadda loogu dabaaldegayo sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya oo ku aadan maanta 1-da Luulyo waxaana halkaas khudbad dheer ka jeediyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen Cabdisamad Cali Shire, wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, iyo marti sharaf kale .
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Jen Cabdisamad Cali Shire ayaa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray hambalyo wuxuuna amaan u soo jeediyey ciidanka amaanka Puntland kuwaas oo howlgalo badan ka fuliyey deegaano kala duwan ee Puntland si ay u xaqiijiyaan amaanka guud ee Puntland.

Munaasabadda loogu dabaaldegayo sanad-guuradii 53-aad ee ka soo wareegtay xorriyadda gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ay ka dhacday gobalada dalka waxaana shacabka iyo
waxgaradka Soomaaliyeed i weydiinayaan xoriyadii loo soo maray dhibtii la ogaa cid kala dhantaashay ilaa haatana sii wada burburka Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online