Puntlland oo war-saxaafadeed ka soo saartay shaqaaqadii ka dhacday Gaalkacyo

July 4, 2013 - Written by Editor

plGaalkacyo:-Maanta 3 July 2013 ayaa magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ee Dowladda Puntland waxaa dhacay weerar sababay dhimasho iyo dhaawac shacab iyo ciidanka Dowladda Puntland. Weerarkaasi ka hor ayaa maanta waxaa ka socday magaalada Galkacyo ololihii Ururada Siyaasadeed ee Puntland, iyadoo uu maanta Urur Siyaasadeedka Horseed ku qabtay magaalada Galkacyo isu-soobax ku bilawday kuna dhamaaday nidaam iyo nabad.

Hase yeeshee, isusoo bixii nabadeed ka dib ayaa waxaa weerar gaadmo ah (ambush) koox hubaysani ku samaysay Ciidanka Booliska oo wado magaalada dhexdeeda ah maraya. Weerarkaasi waxa ku dhintay laba askari oo Ciidanka Booliska ka tirsanaa iyo laba qof oo shacab ah, waxaana dhaawacmay 15-qof oo isugu jira dad shacab, Ciidanka Booliska iyo kooxdii weerarka soo qaaday. Dowladda Puntland waxay Tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan ehelladii iyo shacabka Reer Galkacyo, iyadoo la wada ogsoon yahay dadaalkii bini’aadanimo oo ay Bulshada Reer Galkacyo u fidiyeen daawaynta dhaawacyadii laga keenay magaalada Kismayo oo waxyeeladu ka gaartay dagaaladii ka dhacay, June 28-30, 2013.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedkaPuntland ka soo saareen shaqaaqadii Gaalkacyo

Dowladda Puntland waxay weerarkii maanta ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ku eedeynaysaa dhowr xubnood oo Galkacyo ku sugan horeyna loogu yaqiinay ka shaqaynta amaan-darrada iyo isku dirka shacabka nabada jecel ee Reer Puntland, kooxdaasi oo ku leg leh kooxaha burcad badeedka iyo gacmo siyaasadeed oo ka baxsan gobollada Puntland.

Dowladda Puntland waxay qaadaysaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan si nabada iyo xasiloonida loo adkeeyo, sharcigana loo horkeeno kuwii abaabulay weerarkii maanta oo sababay dhimashada iyo dhaawaca shacabka iyo ciidanka Booliska Puntland.

— DHAMMAAD —

 

 

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online