Wafdi ka socda S/land oo u u Ambabaxay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga

July 6, 2013 - Written by Editor

hargeysaHargeysa:-Wafdi ka kooban wasiiro iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka S/land ayaa u boqoolay magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga halkaas ooo ay kulan kula qaadan doonaan wafdi ka socda Dowlada federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan ayaa sheegay in ay sababaha ay ugu dhoofeen dalka Turkiga uu yahay in la sii anba qaado wajiga labaad ee wadahadaladii u dhexeeyey S/land iyo DFS kaas oo ka dhici doona magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga.

Wafdiga ka socda S/land ayaa waxaa laga reebay xisbiyada ka jira S/land waxaana ay taasi abuurtay buuq siyaasadeed .Siyaasiyiin iyo xubno madax u ah xisbiyada Mucaaradka ee S/land ayaa eedeeyno kala duwan u soo jeediyey xibiga talada dalka haya.

Wafdiga S/land ayaa markii ugu horeysay waxaa lagu daray xubno ka tirsan golaha  Golaha Wakiilada iyo kan Guurtidda waxaana la filayaa in isbuuca soo socda ay furmaan wadahadalada S/land iyo DFS.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online