Wararkii ugu danbeeyey ee Sh Xassan Daahir Aweys

July 1, 2013 - Written by Editor

DSC03196Muqdisho:-Wararka maga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys uu weli ku xiran yahay  xarunta nabadsugida ee dowllada Federaalka ee Soomaaliya, ilo wareed ku dhow Sh Xassan Daahir oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in Sh Xassan weli lagu hayo xarunta nabadsugida oo ah meeshii la geeyey markii laga soo ka xeeyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warar soo baxay oo ay qoreen saxaafada qaarkood ayaa sheegayey in Sh Xassan Daahir Aweys la geeyey Xerad Xalane oo ay saraakiil cadaan ah ay su’aalo ku wiidiinayaan balse  xiriiro kale duwan oo aan samaynay  ayaa  na loo sheegay in Sh Xassan Daahir Aweys uu weli ku sugan yahay xarnuta nabadsugida ee Khadiijo.

Xaalada Caafimaad ee Sh Xassan Daahir ayaa waxaa ka soo baxaya warar is khilaafsan iyadoo la sheegayo in Sheekh Xassan uu xanuunsan yahay oo uu ku kacay Gaas  sonkortiisuna ay kacday loona geeyey Takhaatiir la tacaala caafimaadkiisa ,halka wararka kalena ay sheegayaa in Shiikh Xassan Daahir Aweys ay ka muuqato daal isagoo ah nin da’a ah kana bixi Karin meesha uu ku xiran yahay hadda.

Ilaa hadda ma kala cada  meesha ay ku danbaynayso xaalka Sh Xassan Daahir Aweys  oo u xiran  hadda Dowllada Federaalka soomaaliya balse dad badan waxaa ay ka cabsi qabaan in uu u gacan galo dalal shisheeyey, iyadoo dadka siyaasada Somaaliya Odorasa ay sheegayaan in sababaha loo xiray Sh Xassan Daahir ay tahay in aan wax fursad ah aysan helin qof danbe oo ka soo baxa ururka Al-shabaab.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2013
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online