Marqaati Minanka Dhexdiisa Abu Yaasir Al-Muqdishi Vs Al-Shabaab (Dhageyso)

August 24, 2014 - Written by Editor

logo-alshabaabMuqdisho:-Waxaa mar kale lagu faafiyey barta Intenetka muxaadaro uu leeyahay Sh Abu Yaasir Al-Muqdishi waxaana uu aad uga hadlay inxiraafka kooxda Al-Shabaab waxaana muxaadarooyinka ay yihiin kuwa taxane ah waxaana lagu faafiyey Mareegta Rasminews oo in badan soo bandhigtay qoraalada iyo codad rag ka soo horjeeda Al-Shabaab horeyna uga tirsanaa

Khilaafka ka dhex aloosan rag horey uga mid ahaa  Al-Shabaab iyo Hogaanka Al-Shabaab ayaa gaaray in ay is gaaleysiiyaan ama isku tuhmaan in ay qaarkood  ay gaalo la shaqeystaan

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Abu Yaasir Al-Muqdishi ka hadlo Al-Shabaab waxaana  ka mid ah arimaha uu horey uga hadlay

1- Abu Yaasir Al-Muqdisho VS  Madaxda Al-shabaab.[Dhagayso].

2-Abu Yasir Al-Muqdishi oo ka hadlay dilkii Cabdirizaq Burundi.[Dhagayso]

3-Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegay magacyadda raggii dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]

4-Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

5-Abu-yasir-al-maqdassi-oo-ka-waramay-qaabkii-loo-dilay-ibraahim-afgani-iyo-macalin-burhaan-(dhagayso)

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale waxaa uu leeyahay qormooyin uu kaga hadlay Al-Shabaab waxaana ka mid ah

1-رثاء الأمريكي أبو ياسر المقدشي
2 ليلة استشهاد العلماء أبو ياسر المقدشي
نداء أخير لصيحة نذير أبو ياسر المقدشي3-

Hoos ka dhageyso Muqadimada Muxaadarooyin taxane ah oo Abu Yaasir Al-Muqdishi uga hadlayo Inxiraafka Al-Shabaab

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5295wp1jgj/Inxiraaf_1.mp3]

Amas Halkan Mp3

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka jawaabtay eedeynta Abu Yaasir uu u jeediyey ururka Al-shabaab iyadoo eedeymahaas qaarkood ay soo baxeen ka dib dilkii culumada Soomaaliyeed ay kula kaceen amniyaadka Al-shabaab iyo cid walba oo fikrkooda guracan diidan.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa u u baxsaday ka dib dilkii Macalin Burhaan iyo Ibraahim Afgaani alaha u naxariistee magaalada Muqdisho waxaana xiray ciidanka nabadsugida DFS waxaase uu markii danbe la sheegay in uu u baxsaday dalka Malesia oo uu haatan ku xiran yahay waxaana laga cabsi qabaa in ciidanka sirdoonka dalkaas ay ku wareejiyaan dowlada Mareykanka .
C/Casiis Maxamed
Codka, Rasminews
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online