Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

August 26, 2013 - Written by Editor

voaBaraawe:-Waxaa  mar kale uu  Abuu-Yaasir Al-Muqdishi ka hadlay qaabkii loo dilay  Ibraahim Xaaji Miicaad Ibrahim Afgaani iyo Macalin Burhaan , isagoo markaan xogtaan ku bixiyey qoraal ku qoran afka carabiga iyo codba lana soo dhigay شبكة الجهاد العالمي oo bar internet ah oo taageerta ururka Al-qaacid iyo kooxaha ku fikriga ah. Halkaan ka eeg fariinta oo Afsoomaali ah.

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa qoraalkaan ku qoran afka carabiga iyo codka la socda  waxaa uu yahay  mid uu ku doonayo in fariinta uu ku gaarsiiyo ururada kale ee ku biiray Al-qaacid si uu warbixin uga siiyo xaalada ay cagta saareen madaxda  ururka Al-shabaab oo uu ugu horeeyo hogaamiyaha ururkaas  Axmed Cabdi Godane.

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu wax aan jirin ka soo qaaday hadalkii uu jeediyey Cabdi casiis Abu Muscab oo ah afhayeen ka dhinac howl galka ururka Al-shabaab oo shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in labad wadaad ay dhinteen markii ay diideen in ay isku dhiibaan ciidanka al-shabaab oo ay dagaalameen saasna ay ku dhinteen.

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu ku celiyey qaabka loo dilay Ibrahim Afgani iyo Macalin Burhaan isagoo sheegay in si bareer ah loo dilay labad wadaad oo iyaga oo hubeys nayn si dhagar ah loo dilay ka dib markii hanjabaadyo badan loo soo dirayey ka hor intaan la dilay.

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa  xusay in ururka Al-shabaab ay banaysteen dhiiga culimada iyo madaxda ururka Al-shabaab oo qaar la dilay , qaar kale ay xiran yihiin ,halka qaar kalena ay ka carareen degaanada ay xukumaan ururka al-shabaab oo weli lagu raad joogo.

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa qoraalka iyo codka warbixintiisa ku sheegay in Al-shabaab ay laayeen oo dhiigooda ay banaysteen culimadii dalka Soomaaliya  isagoo xusay in ururka Al-shabaab ay dileen Sh. Dr Axmed Xaaji Cabdiraxmaan Allaha u naraxiistee arrinkaas oo culimada iyo beesha uu ka soo jeeday Sh Dr axmed Xaaji ay dilka Shiikh ku eedeeyeen ururka Al-shabaab gaar ahaan kooxda amniyaadka ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane.

Waxaa kale oo fariintiisa uu ku sheegay Abu-Yasir Al-Muqdishi in ururka Al-shabaab  ay ku dileen Sheekh.Cabdulqaadir Nuur Faarax xili uu  ku guda jiray Salaada Casar isagoo Rukuucsan kuna tukanayey Masjid  Beder ee magaalada Garoowe. Halkaan ka Akhriso qoraalka  fariinta ee  Abu-Yasir Al-Muqdishi oo Af-carabi ku qoran

Abu-Yasir Al-Muqdishi ayaa  ku eedeeyey ururka Al-shabaab  iyo hogaankooda Axmed Cabdi Godane:-

1. In Hogaanka Al-Shabaab ay diideen in ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka

2-In Al-Shabaab ay ceyriyeen Mujaahiin dalka u yimid Jihaad ayna u gacan galeen gaalo.

3-In Xabsi , dilal gaadmo ah ,gaaleysiin  ay kula kaceen  madaxdood iyo culimadii u naseexaysay

4-Dagaal dicaayad ah ay ku qaadeen madax iyo culumo naasixiin ah oo ka tirsan Al-shabaab.

5-Dilka iyo Gaaleysiin culumo iyo xarakaad Islaami ah oo ka fikir duwan ururka Al-shabaab

6In jagooyinka Muhiimka ah ee laga fogeeyey culumada uu ku sheegay (Abu Yasir) Rabaaniyiin iyo Mukhlisiin  waxaan kale oo uu sheegay in khudbado iyo duruus laga joojiyey culumo badan oo nasiixooyin u gudbiyey Ahmed Godane.

Hoos ka Dhagayso Fariintii Abu-Yasir Al-Muqdishi oo afcarabi ah

[audio:https://halgan.net/Mp3/abyyaser.mp3] ama Halkaan ka dhagayso

Source :مؤسسة الزيلعي للإنتاج الإعلامي

Baraawe, Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2013
M T W T F S S
 1234
567891011
12131415161718
19202122232425
262728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online