Abu Yasir Al-Muqdishi oo ka hadlay dilkii Cabdirizaq Burundi.[Dhagayso]

December 26, 2013 - Written by Editor

burundiMuqdisho: Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa ka hadlay dil loo geystay  Cabdirizaq Burundi oo ka mid ahaa raga Muhaajiriinta ee ka garab dagaalamayey Ururka Al-Shabaab. Dilka loo geystay Cabdirizaq Burundi ayaa waxaa uu soo baxay isbuucii la soo dhaafay waxaana wararku sheegayaan in rag kale lala khaarajiyey Cabdirizaq Burundi.

Kooxaha Amniyaadka ee ka amar qaata Axmed Cabdi Godane ayaa si gaar ah waxay u dileen rag malaayiin lacag ah uu dul dhigay Mareykanku iyadoo raggaas ay si toos ah loo khaarajiyey  waxaana u danbeeyey dilkii Ibraahim Afgan, Macalin Burhaan iyo Abu Mansuur Al-Amriki.

Cabdirizaq Burundi ayaa waxaa uu u xirnaa kooxda Axmed Godane mudo 8 bilood waxaana dilkiisa ka hadlay maanta Sh Abu Yaasir Al-Muqdishi oo ka mid ahaa culumada ururka Al-Shabaab ee haatan lafahooda uga cararay seefta Axmed Cabdi Godane.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ku saabsan dilka Muhaajir Cabdirizaq Burundi oo la sheegay in  la dilay maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Hoos Ka Dhagayso Abu Yaasir Al-muqdishow oo ka hadlay dilka Cabdirizaq Burundi

Source codka Rasminews.
A/cawaale.

Leave a comment

*

Archives
December 2013
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online