Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ”Wasiir Soo-cade awood u ma leh in uu kala diro maamulka Rugta Ganacsiga.”

September 9, 2014 - Written by Editor

siciidGaroowe:-Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid aya wax laga xumaado oo sharci daro ah ku tilmaamay go’aan ka soo baxay  Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-Cade uuna ku sheegay in uu kala diray maamulkii rugta ganacsiga iyo warshadaha Puntland. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Siciid Xuseen Ciid  oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay  in Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  ay tahay hay’adda madax banaan  cid kaliya ee  hogaankeeda kala diri kartana ay tahay oo kaliya Madaxweynaha Puntand  iyo maamulka Golaha sare  Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland.

Guddoomiyaha  Siciid ayaa yiri ” Waa su’aale xaggee awood intaas la ‘eg ka keenay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xassan Soo-Cade, waxaa haboon in wasiirka sharciga u yaal dalka uu u hogaansamo uuna ogaadon  cid kaliya ee leh awoodaas waa Madaxweynah Puntland iyo Boodhka Rugta ganacsiga. Ma ah markii ugu horaysay oo uu Wasiirka Ganacsiga Puntland Maxamuud Xasan Soo-cade uu sheego in uu kala diray hoggaanka Rugta Ganacsiga, balse maanta waxaa uu war uu marsiiyey saxaafadda uu sheegay in laga bilaabo maanta aysan sii shaqan karin Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo ay ku midaysan yihiin ganacsato fara badan.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-Cade ayaa saxaafadda u sheegay in talaabada uu qaatay ay sax tahay ayan waafaqsan tahay sharicga Puntland  isagoo ku dooday in ay muhiim tahay in doorsho la sameeyo.

Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland  ayaa ah hay’adda madax banaan oo leh sharci u gooni ah  waxaan kala diri kara oo kaliya Golaha sare ee Rugta Ganacsiga ama Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online