Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS oo kulan Baydhabo ka dhacay kaga dhawaaqay shir dib u heshiisiineed.[Masawiro]

September 11, 2014 - Written by Editor

DSCN0482Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo maanta magaalada Baydhabo kulan kula qaatay boqolaal dadweyne ah oo ka kala socday xaafadaha magaalada Baydhabo ayaa kaga dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo todobaadka soo socda u furmi doona shacabka Koonfur Galbeed.Kulanka maanta Baydhabo ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta maamulka degmada Baydhabo iyo kan gobolka Baay waxaana ugu horeyn hadal ka jeediyey Gudoomiyaha degmada Baydhabo Xasan Macalin Axmed Biikole ayaa ku booriyey shacabka reer Baydhabo iney mar walba u duubnaadaan garab istaaga iyo taageerrada Dowladnimadooda.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari oo khudbad dheer ka jeediyey kulanka ayaa ugu horeyn ku dhawaaqay shir dib u heshiisiineed oo si rasmi ah loogu furi doono shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed maalinnimada Axada ah ee soo socota oo ay taariikhdu ku beegan tahay 14-September-2014 u jeedada shirkaasi loo qabanayana ay tahay in marka hore ay dadku is cafiyaan islamrkaana la isku calool fiyoobaado ayadoo markaasi kadibna ay bulsho heshiis ahi aayaheeda ka tashan karto islamarkaana maamul sameysan karto.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu kula dardaarmay shacabka ku dhaqan gobollada Koonfur Galbeed iney adkeystaan wadajirka iyo isku duubnidooda isamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii ay u difaaci lahaayeen midnimada guud iyo dowladnimada umadda Soomaaliyeed.

no images were found

—DHAMAAD—

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka

Media and Public Relation Office Of Speaker

Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online