Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Puntland oo saaka booqday Saldhiga Bosaaso.[Cod/Masawiro]
September 4, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaand iyo Gardafuu Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa saaka waxaa uu kormeer howleed ku tegay Xabsiyadda ku yaal magaalada Boosaaso. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa waxaa uu saxaafadda uga warbixiyey wixii uu ku soo arkay Xabsiyadda iyo in ay jiraa ilaa 1000 kiis oo rafcaan sugayaal ah iyo weliba xubno ka tirsan Al-shabaab oo falal dil geytay ay xabsiyadda iskaga jiraan arrinaas oo uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan in Maxkamada sare ee dowladda Puntland ay yimaadaan magaalada Boosaaso oo aysan imaan in ka badan hal sano si loo soo afjaro eedaysanayaasha iska xiran ee aan weli la soo taagin wax maxkamada ah. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan ayaa sheegay in ay Xabsiyadda Puntland ay ku jiraa ilaa 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo isku jira kuwa la xukumay iyo kuwo xukun sugayaal ah.
Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidea iyo Dambiyada culus ee Gobollada Bari, Karkaar ,Sanaag, Hayland iyo Gardafuu C/fataax Xaaji Aadan ayaa ka codsaday Maxkamada sare ee Puntland in si deg deg ah ay wax uga qabtaan eedeysanayaasha iska xiran oo aan weli wax maxkamada ah la hor keenin iyo kuwa la xumayba.
Dhinac kale Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid oo uga warbixiyey Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland Cabdifataax xaalada Saldhiga iyo dadka ku xiran waxaa uu u sheegay in ilaa 18 qof oo ay ku jirto qof dumar ah ay ku eedatsan yihiin danbiyada culus loona haysto in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.
Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid ayaa sheegay in xubno ku xiran Saldhiga aan ilaa hadda wax Maxkamad la horkeenin muhiimna ya tahay in eedey sanayaasha la horgeeyo Maxkamada qofkii aan wax danbi ah gelina si dhaqso ah loo sii daayo.
no images were found
Hoos ka Dhagayso warbixinta Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/s5udwh8p9l/taliye.mp3]
M_M_Deeq
Halgan.net