Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada Puntland oo saaka booqday Saldhiga Bosaaso.[Cod/Masawiro]

September 4, 2014 - Written by Editor

IMG_3942Boosaaso:-Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidda iyo dambiyada culus ee Gobollada Bari, Karkaar, Sanaag, Haylaand iyo Gardafuu  Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa saaka waxaa uu kormeer howleed ku tegay Xabsiyadda ku yaal magaalada Boosaaso.  Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidda ee dowladda Puntland Cabdifataax Xaaji Aadan  ayaa waxaa uu saxaafadda uga warbixiyey  wixii uu ku soo arkay Xabsiyadda iyo in ay jiraa ilaa 1000 kiis oo rafcaan sugayaal ah iyo weliba xubno ka tirsan Al-shabaab oo falal dil geytay ay xabsiyadda iskaga jiraan arrinaas oo uu sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan  in Maxkamada sare ee dowladda Puntland ay yimaadaan magaalada Boosaaso oo aysan imaan in ka badan hal sano  si loo soo afjaro eedaysanayaasha iska xiran ee aan weli la soo taagin wax maxkamada ah. Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland C/fataax Xaaji Aadan  ayaa sheegay in ay Xabsiyadda Puntland ay ku jiraa ilaa 18 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kuwaas oo isku jira kuwa la xukumay iyo kuwo xukun sugayaal ah.

Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sidea iyo Dambiyada culus ee Gobollada Bari, Karkaar ,Sanaag, Hayland iyo Gardafuu C/fataax Xaaji Aadan ayaa ka codsaday Maxkamada sare ee Puntland in si deg deg ah ay wax uga qabtaan eedeysanayaasha iska xiran oo aan weli wax maxkamada ah la hor keenin iyo kuwa la xumayba.

Dhinac kale Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid oo uga warbixiyey Guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland Cabdifataax  xaalada Saldhiga iyo dadka ku xiran waxaa uu u sheegay in ilaa 18 qof oo ay ku jirto qof dumar ah ay ku eedatsan yihiin danbiyada culus loona haysto in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid ayaa sheegay in xubno ku xiran Saldhiga aan ilaa hadda wax Maxkamad la horkeenin muhiimna ya tahay in eedey sanayaasha la horgeeyo Maxkamada qofkii aan wax danbi ah gelina si dhaqso ah loo sii daayo.

no images were found

Hoos ka Dhagayso warbixinta Taliyaha saldhiga ciidanka Booliska Bosaso Shire Maxamad Saciid

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/s5udwh8p9l/taliye.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

 

 

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online