Jabhada Al-nusraha ee dalka Suuriya oo sheegtay in Diyaaradaha Maraykanku ay duqeeyeen fariisamahooda. [Daawo Video-ga]
September 23, 2014 - Written by EditorSuuriya:-War ay baahiyeen dhawaan baraha internetka ah ee taageera xoogagga Islaamiyiinta ee Jabahada Nusraha ayaa sheegay in diyaaradaha Maraykanka iyo xulifadoodu ay duqeeyeen goob ay ku sugan yihiin ciidankooda gaar ahaan Kufri diyaan oo ka tirsan magaalada Sarmada ee u dhow xadka dalka Turkiga.
Saraakiil u hadlay Jabhada Al-nusraha oo ah garab ka tirsan Al-qaacida ayaa sheegay in weerarka ay geysteen ciidanka Maraykanka iyo xulifadoodu ay khasaaro gaarsiiyeen dad rayid ah oo iskugu jira caruur , haween iyo dadwaayeel ah.
Saraakiishaan u hadlay Jabhada Al-nusraha ayaa xusay in aysan jirin goobo ay ka taliyaan kooxda Daaich oo ku yaal deegaanka Adlab iyagoo sheegay weerarka diyaaradah Maraykanku aysan weerar ku ahayn kooxada isku magacawday dowladda Islaamiga ee Ciraaq iyo Shaam (Daacish) balse ay doonayaan in ay wiiqaan kooxaha hubaysan ee Islaamiyinta ah ee dagaalka kula jira dowladda Suuriya
Hoos ka Daawo muuqaalka ay baahiyeen Iclaanka Jabhada Al-nusraha ee dalka Suuriya
Hoos ka eeg weerarka ay diyaaradah ciidanka Maraykanka iyo xulifadoodu ay ku qaadeen fariisamaha Jabhadda Al-Nusraha
C/casiis Maxamed
Halgan.net