Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Mareykanka
September 22, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxay u amba baxeen magaalada New York dalka Mareykanka .
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee New York waxaana uu halkaas ka jeedin doonaa Khudbad uu uga waramayo xaalada dalka Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay DFS.
Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale waxaa uu ka warami doonaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM iyo xaalada bini,aadimo ee ka jirta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.
no images were found
Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku sii sagootiyay, garoonka diyaaradaha Aden Cadde Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka, , Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Ridwaan Xersi, Wasiirro,xildhibaano iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS
A/Cawale
Halgan.net