Madaxweynaha DFS iyo wafdi uu hogaaminayo oo u amba baxay dalka Mareykanka

September 22, 2014 - Written by Editor

p-2-nyMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxay u  amba baxeen magaalada New York dalka Mareykanka .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka qeyb gali doonaa  shirka Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ee New York waxaana uu halkaas ka jeedin doonaa  Khudbad uu uga waramayo xaalada dalka Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay DFS.

Madaxweynaha DFS ayaa sidoo kale waxaa uu ka warami doonaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM iyo xaalada bini,aadimo ee ka jirta deegaanada laga saaray Al-Shabaab.

no images were found

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa ku sii sagootiyay, garoonka diyaaradaha Aden Cadde Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka, , Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Ridwaan Xersi, Wasiirro,xildhibaano  iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidanka DFS

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online