Puntland oo sheegtay inaysan wax walaaca ka qabin firxadka Alshabaab (Dhageyso)
September 9, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa markii ugu horeysay ka hadlay howlagalada ka socda koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in dowladiisa aysan wax walaac ah ka qabin firxadka kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Daljir waxaana uu sheegay in ciidanka Puntland heegan la galiyey lana adkeeyey xuduudaha Puntland.
Xassan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland ayaa sheegay in amiirki hore ee kooxda Al-Shabaab uu dhibaato badan ka geystay deeganada Puntland uuna laayey birimageydo badan wuxuuna si gaara u xusay dilkii foosha xumaa ee kooxda Al-Shabaab u geysteen Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alaha u naxariisto dhamaantood.
Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Puntland iyo dowlada ay ka mideysan yihiin in la sugo amaanka deegaanada Puntland.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore uu siiyey Radio Daljir
[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/5jnlbz17ci/Aloore.mp3]
A/Cawale
Halgan.net