Puntland oo sheegtay inaysan wax walaaca ka qabin firxadka Alshabaab (Dhageyso)

September 9, 2014 - Written by Editor

AlooreGaroowe:-Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa markii ugu horeysay ka hadlay howlagalada ka socda koonfurta Soomaaliya kuwaas oo ay wadaan ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM wuxuuna sheegay in dowladiisa aysan wax walaac ah ka qabin firxadka kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland ayaa waxaa uu wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Daljir waxaana uu sheegay in ciidanka Puntland heegan la galiyey lana adkeeyey xuduudaha Puntland.

Xassan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Amniga ee dowlada Puntland ayaa sheegay in amiirki hore ee kooxda Al-Shabaab uu dhibaato badan ka geystay deeganada Puntland uuna laayey birimageydo badan wuxuuna si gaara u xusay dilkii foosha xumaa ee kooxda Al-Shabaab u geysteen Sheekh Dr Axmed Xaji C/raxmaan iyo Sheekh C/qaadir Nuur Faarax alaha u naxariisto dhamaantood.

Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan Puntland iyo dowlada ay ka mideysan yihiin in la sugo amaanka deegaanada Puntland.

Hoos ka Dhageyso Wareysiga Wasiirka amniga dowladda Puntland Xassan Cismaan Maxamuud Alloore  uu siiyey Radio Daljir

[audio: http://k007.kiwi6.com/hotlink/5jnlbz17ci/Aloore.mp3]
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online