Waa kuma Hogaamiyaha cusub ee Ururka Al-shabaab Axmed Diiriyey C/kariim Taariikh Kooban

September 9, 2014 - Written by Editor

Maqaal-300x158Waxaan maqaalkaan gaaban ku eegayaa Taariikh kooban oo ku saabsan hogaamiyaha cusub ee ururka Al-shabaab ee dhawaan loo doortay in uu bedelo booskii hogaamiyihii hore  Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay duqanyn ay fuliyeen diyaardaaha Maraykanka.  Hogaamiyaha cusub ee ururka Al-shabaab waxaa magaciisa oo sax ah la yiraahdaa Axmed Diiriye C/kariim. Axmed ka mid ma ahayn raggii aasaasay ururka Al-shabaab balse waxaa uu ku biiray 2004-tii.

Axmed Diiriyey C/kariim waxaa uu ku dhashay baadiyaha Qalaafe ee dhulka Soomaali galbeed ee soona xigta dhanka Gobolka Hiiraan qiyaastii 1968dii ama 1969kii  waqti ku beegan. Axmed Diiriyey iyo qoyskiisa waxaa ay dhinac Qoxooiga gobolka Hiiraan u soo guureen dagaalkii 77 ee dhexmaray Itoobiya iyo ciidankii xoogga dalka Soomaaliya halkaas oo uu ku bartay Qur’aanka
uuna duruusta ka dhagaysan jiray Masaajidda

Markii dagaalada sokeeyey ay ka dhaceen dalka Soomaaliya Axmed Diiriyey C/kariim  waxaa uu u so wareegay magaalada Muqdisho waxaan uu ka mid noqday dhalinyaradii ku biirtay ururkii Al-itixaad Al-Islaami wuxuu ka mid noqday dhalinyaradii  ku jirtay Mucaskarka tababarka ee magaalada Marka

Intaas ka dib Axmed Diiriyey C/kariim  waxaa uu ka mid noqday ciidan itixaadka ay u soo direen magaalada Kismaayo ka hor qabsashadii SNA-dii  uu hogaamin jiray General caydiid, oo ahayd bartamihii 1992dii,  inakstoo ay Kismaayo soo gaareen ciidankood ka dib markii ciidankii SNA ay Kismaayo qabsadeen.

Ciidanka uu la socday Axmed Diiriyey C/kariim  waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo mucasarkii ku yaalay magaalada Kismaayo berigaa si isbedelka ku dhacay gacan ku haynta magaalada aysan dhib ugu keenin ciidankii itixaadka ee joogay Kismaayo oo tiro yaraa.

Axmed Diiriyey C/kariim iyo ciidankii uu la socday ee Kismaayo yimid qabsashadii ciidankii SNA- ee Kismaayo waxaa ay ku biireen Mucaskarkii ku yaalay magaalada Dhoobley, Axmed waxaa uu noqday askari ka mid ahaa ciidankii Al-itxaad Islaami ee ku sugnaa Dhoobley walow uu aad ugu xanuunsaday.

Markii Hogaankii ururka Al-itxaad Islaami ay kala direen Ciidankooda  bilawgii 1993-dii Axmed Diiriyey waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo laabtay magaalada Kismaayo. Imaanshihii Kismaayo Axmed waxaa uu galay nolol cusub waxaan uu Dugsi quraan ah uu ka furay magaalada Kismaayo gaar ahaan Xaafadda Isku Filan dhamaadkii 1993 waxaan dugsigaas loo yaqaanay Dugsigii Axmed Diiriye.

Axmed  Diiriyey C/kariim waxaa uu guursaday xaas 1994 ama 1995 waxaan uu nqoday xubin aad u firfircoon oo ka dhex muuqda macalimiintii Kismaayo isagoo sii wadat in masaajidda uu ka sii raacdo duruusta markaas ay culimadu akhrinayeen.

Axmed  Diiriyey C/kariim  intii uu joogay Kismaayo waxaa uu mucaadaraday maamulkii Dacwada ee Kismaayo ee uu madaxda u ahaa Sheekh C/raxmaan Maxamed Jibriil isagoo isku dayey in maamulka Dacwada ee Kismaayo laga horyimaado ama la mucaarado walow arrinkaas culimada iyo ducaadu ay dareensanaayeen.

Markii la soo gaaray sanadkii 2000 waxaa uu nasiib u helay in uu dowro diini ah uu ku soo qaato magaalada Muqdisho, dowradaa oo ahayd mid heer sare ahayd oo lagu qaadanaayay cilmiga sharciga ah mudo dhowor bil ah, waxaana wehliyay labo wadaad oo kale, waxayna ahayd deeq waxbarasho oo loogu deeqay magaalada Kismaayo 3 qof, waxayna isla qaadanayeen duruustaa dowrada arday fara badan oo ka kala yimid Koonfurta Soomaaliya.

Sanadkii 2001dii waxaa uu mudo kooban u wareegay asaga iyo xaaskiisaba magaalada Muqdisho asagoo halkaa ka noqday Macalin dugsi ee uu isagu aasaasay maamulana laakiin mudo gaaban ka dib waxaa uu dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo asaga iyo xaaskiisaba asagoo dugsisgii sii watay, inkastoo uu si rasmi ah uu ugu wareejiyay dugsiga macalin uu asaga  soo baray qur,aanka oo la oran jiray macalin Maxamed Daadoow.

SAFARKIISII QADAR IYO AASAASIDII MACHADKII AL -HUDAA

2002dii waxaa uu u safray dalka Qadar oo uu degnaa sidii uu  sheegay walaalkii, waxaana uu ku maqnaa mudo kooban, waxaana uu soo maray markaa magaalada Hargaysa iyo Boorame. Markii uu kismaayo ku soo laabtay 2002dii waxaa uu la soo laabtay fikir ahaa in la furo dugsi isku jir ah (damji) qur,aan iyo maadigaba, fikirkaa oo uu ku soo arkay magaalada Hargaysa, fikirkii waxaa uu ka gaday gudigii dacwada ee Kismaayo.

Fikirkii gudigii dacwada waa soo dhaweeyeen waxaana lala furay dugsi la baxay Machad Al- hudaa oo markii danbe Kismaayo ka caan baxay, waxaana uu ka  keenay Muqdisho macalimiin tayo leh, ardayda oo gaari lagu qaado, waxaana qarashka badankiisa bixiyay ganacsatada magaalada oo fadhiyo ay qabteen gudiga dacwada ayaa lagu tageeray dugsiga.

Machadkii markii danbe waxaa uu yeeshay furuuc magaalada Kismaayo, waxaa uu noqday Machad balaaran, asagaana ka ahaa mudiirka Machadka, waxaana jiray gudi aasaasayaasha ahaa oo ay xubno ka ahayeen xubnaha gudiga dacwada ugu sareeyay markaa asagana xubin ayuu ka ahaa gudigii aasaasayaasha ahaa.

Ku biiritaankiisii Ururka Al-shabaab Axmed  Diiriyey C/kariim

2003dii waxaa uu bilaabay in uu ku dhigto intisaab jaamacad Yeman al- tiknoolaji oo intisaabkeeda loo aadi jiray muqdisho, waxaana uu dhigan jiray kuliyadii shareecada ee jaamacada, inta la ogyahana waxaa uu qaatay dhowr simister mana uusan dhamayn jaamacada, markaste oo uu imtixaan galaayana waxaa uu ku geli jiray Muqdisho oo uu u safri jiray.

Sanadkii 2004ta ayaa waxaa uu Xamar kula soo kulmay aasaasayaashii ururka al-shabaab oo markaa xamar saldhigooda ahaa,  halkaa ayuuna xubin ururka shabaab uu noqday dhamaadkii 2004tii, waxaana uu ahaa xubnihii ugu firfircoonaa ee Kismaayo u joogay shabaabka ka hor maxaakimtii

KACDOONKII MAXKAMADAHII ISLAAMIGA

Kacdoonkii maxaakimta 2006dii waxaa uu xamar u aaday axmed diiriye in uu soo galo imtixaankii jaamacada, waxaana uu ka soo qayb qaatay abaabulkii in Kismaayo loo soo balaariyo maxkamadaha asagoo qabsashadii Kismayo maxkamahada in yar ka hor kismaayo ku soo laab tay,  asagoo dhalinyaro si gaar ah u aabuli jiray si ay u noqdaan ururka Al-shabaab oo berigaa maxkamdaha ku hoos jiray.
Markii ay maxkamahada Kismayo qabsadeen waxaa loo magacaabay mas,uulka dacwada iyo iclaamka, laakiin kuma qanacsaneen oo maba ka shaqaynin ee waxaa uu aad ugu mashquul sanaa in uu xubno u helo xarakada shabaab oo barigaa maxkamadaha iyo dhamaan wadaadada ka dhex qaraaban jirtay.

JABKII MAXKAMADAHA IYO U CARARKIISII KENYA

Markii maxkamadihii islaamiga ahaa ay jabeen oo laga baxay kismaayo 2007dii asaga waxaa uu ka mid ahaa xubno xuduuda Kenya ka gooyay magaalada  Amuume, asagoo iska ahaa rayid waxaa ayna gaareen asaga iyo ragii la socday Xagar dheer, ka dibna waxaa uu u sii gudbay  asaga kaligii Nairobi ilaa Mombasa, waxaa uu dib ugu soo laabtay xiligii muqaawada ay bilaabatay magaalada muqdisho, asagoo isla markiiba u soo gudbay kismayo dhamaadkii 2007da.

MAS,UULIYIDIISII AL SHABAAB EE JUBBADA HOOSE

Markaa oo ay hayd 2007dii dhamaadkeeda aya waxa loo soo magacaabay wakiilka ururka shabaab ee Jubbada hoose xiligaa oo ay Kismaayo gacanta ku haayeen, siyaasiyiin beesha Sade ah oo ka saaray Kismaayo markaa ka hor maamulkii dowladii c/lahi yusuf.

waxaa uu ahaa nin aad u tashkiil badan xiligaa asagoo ururka u kasbay xubno badan, dhaqaale, iyo asagoo xiriir la lahaa maamulkii Kismaayo markaa xukumay, waana marka ay calaqaadka uu la leeyahay hogaamiyihii Axmed godane uu sii adkaaday oo uu aad u aaminay Axmed godane. Waxaa uu xiriir joogta la lahaa Axmed Godane oo berigaa saldhigiisu uu ahaa magaalada jamaame oo kismayo ku dhaw mar kastana waa uu u tagi jiray.

CASILIDII MADAXTINAMADA SHABAAB EE JUBBADA HOOSE

In yar ka hor qabsashadii kismaayo shabaabka iyo xulafadii la socotay ayaa axmed diiriye laga qaaday mas,uulkii shabaab ee jubada hoose ka dib markii dhalinyaradii la ahayd maamulka alshabaab ee kismaayo joogtay ay ku soo dacweeyeen kali talisnimo, qabyaalad, iyo qalaf sanaan,  waxaana shir lagu galay baadiyaha Jamaame oo uu joogay Axmed godane lagu wareejiyay mas,uuliyadii wakiilnimda shabaab ee jubada hoose Ibraahim afgaanistaan. waana halka ay ka soo bilaabatay is nacaybka Axmed diiriye iyo Ibraahim afgaanistaan oo uu aakhirka uu dili doono.

Shababkii kismaayo aya waxay badankood ay jeclaayeen taageersanayeen Ibraahim afgaan laakiin axmed diiriye asaga xiniftan wayn ayaa ka dhexeesay, laakiin waxaa uu garab fiican ka haystay hogaamiyaha axmed godane, uu u arkay axmed diiriye in uu yahay furaha kismaayo iyo nin dhaqaale iyo xubno badan oo ururka ah kismaayo ka keenay.

Ka dib markii kismaayo ay qabsadeen shabaab iyo xulufadoodii kanbooniyiinta iyo caanoole 2008dii augest, axmed diiriye waxaa lagu xasuustaa kalimadiisii caanka ahayd ee uu dhihi jiray kaanbooniyiinta iyo caanoole (magaalada nooga baxa ama anagaa idinkaga baxayno) ayadoo markii danbe uu xiisadaa qaboojiyay sheekh xasan turki oo yiri  -ibraahinow- oo ahaa mas,uulkii shababka ka noqo adiga ibraahim afganistaan ah kismaayo gudoomiye maamul kumeel gaar ah oo 5 bil ah oo awooda loo qaybsaday shabaab iyo kaanbooni  ayadoo hal xubina laga siiyay caanoole, ayadoo la ogyahay awooda ugu wayn ee kismaayo qabsatay ay ahayd kaanbooni oo ciidan badan u joogeen, waxaa la sheegaa  shabaab kama badneen 80 askari oo waliba dhawaac iyo dhimasho ay soo gaartay.

DABEECADIHII LAGU YAQAANAY

Inta waxii ka danbeeyay waxaa soo baxayay  si tartiib tartiib ah loolanka awooda ee u dhaxeesay ibrahim afgan gudoomiyihii kismaayo iyo axmed godane, ayadoo axmed diiriye maamulkii kismaayo laga fogeeyay, laakiin waxaa uu ahaa nin gacan wayn ka heli jiray saaxiibkii axmed godane.

Axmed diiriye oo lagu yaqaanay naceeb kooxaha islaamiga ee kale iyo in uu mu,aamarad u maleego kooxahaas ayaa waxaa uu aad u abaabulay olole dicaayad ahayd oo kaanbooniyiinta iyo Caanoole askartooda iyo hubkooda si tartiib tartiib  ah loola soo baxsado oo Shabaab ugu soo wareegaan.

Markii ay sidaa arkeen kaanbooniyiinta ayaa 2009kii bilowgeeda waxay u dhigeen axmed diiriye shirqool khatar ah oo ay ku qaarijinaayeen laakiin nasiib wanaag waa ka badbaaday,  waxayna u dhigeen xili habeenimo ah gurigiisa kismaayo labo nin oo toogatay laakiin waa uu cararay xabadihiina waxay kaga dhaceen dharkiisa dhoor meel mana dhawaacmin.

Intaa waxii ka danbeeyay aad ayuu u feejignaa, mudo yar ka dibna kismaayo waa ka tegay asagoo u wareegay Baydhabo oo loo magacaabay gudoomiyaha labada gobol bay iyo bakool ee shabaabka.
Waxaa uu ahaa gudoomiyhii ugu cimriga dheeraa gudoomiyayaasha shabaab soo maray ee gobolo ama gobol loo dhiibo taa oo macnaheeda tahay in uu aad ugu dhawaa axmed godane oo uu dacaad u ahaa.

FULINTII AMARKII AXMED GODANE

Markii uu soo baxay khilaafka shabaab axmed diiriye waxaa uu ahaa xubnihii aad ugu dhawaa godane ee talada ay ka dhaxaysay, asagoo noqday shakhsigii fuliyay amarkii axmed godane ee lagu dilaayay mas,uuliyiintii ururka qaar ka mid ah sida ibraahim afgaanistaan, macalim burhaan, qaarna uu soo xirxiray magaalada Baraawe, sidoo kale waxaa uu ahaa shakhsigii fuliyay wareerkii lagu qaaday Abuu mansuur al-amriiki ee lagu dilay.

Sidoo kale waxaa uu dhowr jeer isku dayay in uu soo qabto ama dilo Abuu Mansuur Rooboow laakiin uma suurtagelin, waxaa kale uu axmed diiriye dilay ama xiray rag badan oo ajaanibta shabaab la joogta ah sida C/risaaq Burundi oo uu khiyaano ka dib uu dilay  dhowr bil ka hor.

Waa nin aad u jecel is qarinta waxaana uu oran jiray haddii ay dadkan ku bartaan oo aad qaabishid oo ay ku arkaan way ku yaraysanaayaan,  oo dadkan waxaa looga yaabin karaa in aysan ku arkinba, fikirkaas oo uu ka dhaxlay saaxiibkiisii geeriyooday ee Godane.

Axmed diiriye intii uu ahaa mas,uulka kismaayo waxaa lagu eedeeyaa in uu dilay oo uu ka danbeeyay rag badan oo si dhagar ah kismaayo loogu dilay, sida wariyihii bbcda ee kismaayo Nasteex daahir faarax, ruke  oo aha oday ganacsade caan ka ah kismaayo, Daa,uud dirir oo asna ahaa ganacsade iyo siyaasi aad looga yaqaanay kismaayo, iyo rag kale oo badan.

Waa nin isbed bedel badan oo waxii aad isku ogtihiin ka baxa, waxaana uu aad caan ugu yahay khiyaano iyo isdabamarin, gaar ahan waxaa uu kuu muujinaayaa saaxiibtinimo asagoo hoosta kaa lugoynaayo.

Waxaa uu ku qancay fikirka ah takfiirinta maxa yeelay dadka oo la laayo waxaa uu u arkaa in ay u banaantahay maadaama maslaxadooda laga shaqaynaayo, dhiiga dadkana waa nin aan waxba la ahayn.
Ma ah geesi sidii hogaamiyihii dhintay ee godane mana ahan aftahan, laakiin waa nin abaabul badan oo aan harsan oo kala furfur badan oo isu muujiyo in uu daacad yahay laakiin khiyaano iyo khilaaf ayaa u astaan ahayd waligii.

Waxaa uu caan ku ahaa in uu waligii qabay in koox kale oo islaami ah in aysan dalka ka jirin shabaab ma ahee, qof kaste oo uu tashkiilin karo oo kooxaha kale waxaa uu isku dayi jiray in uu tashkiiliyo, hadii uu qaadan waayana tashkiilinta waxaa uu ka shaqayn jiray in la dilo. Waxaa uu aad ugu mashquulsanaa xiligii itoobiyaanka lala dagaalamaayay asaga in uu kasbado rag ururka daacad u ah, haday rabaan ha ka soo goostaan kooxaha kale ee muqaawamada.

GUNAANIDKII

Ardaydii uu u ahaa macalimka iyo maamulaha machadkiisa waxaa uu ku tashkiilin jiray in ay xubno ka noqdaan ururka al shabaab, taas oo ay u arkeen waalidiintii in axmed diiriye uu khiyaanay oo ardaydii yaryareed halkii uu wax ka bari lahaa uu xaabo uga dhigay dagaaladii soconaayay, waxaana la sheegaa tiro badan oo ka mid ah ardaydii machadkiisa in ay ku hoob teen dagaaladii shabaabka ay galeen ayagoo aad u da, yaraa, waana mida keentay in axmed diiriye kismaayo aad looga neceb yahay.

Ugu danbays axmed diiriye in uu u noqdo hogaamiye shabaabka waxay ku tusaysaa sida shabaabka uu diyaar ugu yahay in dhiig badan oo kale sii daadiyaan, waxaase la filayaa in uu  shaqooyinkii uu hadda haayay ee faraha badnaa doorshadiisa ka dib uusan qaban doonin, maadaama uu ku mashquuli doono is qarin iyo in la gaado cabsi uu ka qabo, waxaana aan aaminsanahay in doorashadiisu ay  xayiri doonto uuna noqon doono nin un ka fikira sidii uu isku badbaadin lahaa.

Waxaa Tafatiray C/Casiis Maxamed
Halgan.net,

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online