Ciidanka Nabadsugida DFS oo soo bandhiga gaari iyo walxaha qarxa oo ay qabteen.[Daawo Video-ga]
November 14, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ciidanka nabadsugda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay weerareen guri ku yaal degmada Dharkeeynleey ee Gobolka Banaadir iyagoo ku soo bandhiga warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gurigi ay ku qabteen hub, walxaha qarxa , Jaakadaha loo isticmaalo qaraxyada iyo Gaari loo adeegsan jiray dilalka ka dhaca Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda aminga Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay guriga ay ciidanku ay ku qabteen hubka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka nabadsugida ee DFS ay ku guulaysteen in ay qabtaan gaari Toyota Hilux SURF oo in mudo ah ay ku daba joogeen gaarigaas oo loo adeegsaday ilaa 4 Xilidhbaan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanad Saado Cali warsame , Xildhbaan Xayd, Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ku aadan gaariga iyo dhalinyarad lagu qabtay degmada Dharkeeyneey ee Gobolka Banaadir oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.
Hoos ka Daawo Muuqaal ay soo bandhigeen ciidanka nabadsugidda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna baahiyey warbaahinta dowladda
A/cawaale
Halgan.net