Ciidanka Nabadsugida DFS oo soo bandhiga gaari iyo walxaha qarxa oo ay qabteen.[Daawo Video-ga]

November 14, 2014 - Written by Editor

gaariMuqdisho:-Ciidanka nabadsugda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay weerareen guri ku yaal degmada Dharkeeynleey ee Gobolka Banaadir iyagoo ku soo bandhiga warbaahinta Dowladda Federaalka Soomaaliya gurigi ay ku qabteen hub, walxaha qarxa , Jaakadaha loo isticmaalo qaraxyada iyo Gaari loo adeegsan jiray dilalka ka dhaca Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda aminga Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo shir jaraa’id ku qabtay guriga ay ciidanku ay ku qabteen hubka ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka nabadsugida ee DFS ay ku guulaysteen in ay qabtaan gaari Toyota Hilux SURF oo in mudo ah ay ku daba joogeen gaarigaas oo loo adeegsaday ilaa 4 Xilidhbaan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaanad Saado Cali warsame , Xildhbaan Xayd, Saraakiil ka tirsan ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo ku aadan gaariga iyo dhalinyarad lagu qabtay degmada Dharkeeyneey ee Gobolka Banaadir oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab.

Hoos ka Daawo Muuqaal ay soo bandhigeen ciidanka nabadsugidda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya laguna baahiyey warbaahinta dowladda

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online