Dagaalo ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee gobalka J/hoose
November 8, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ka imaanaya Jaziirada gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay Jaziirada Kudhaa dagaalkaas oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Juba iyo kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday saaka aroortii waxaana uu socday mudo ku dhow laba saac waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.
Al-Shabaab ayaa guula ka sheegtay dagaalka ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee gobalka J/hoose waxayna sheegeen in ay khasaaaro u geysteen ciidanka Juba ayna si buuxda ula wareegeen Jaziirada Kudhaa.
Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Faarax Haybe Macallin ayaa xaqiijiyey in dagaal uu ka dhacay Jaziirada Kudhaa wuxuuna sheegay in ciidankooda ay uga baxeen Jaziirada Kudhaa xeelad dagaal.
Faarax Haybe Macallin Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaalka ay uga dhinteen dhowr askari
Ciidanka Maamulka Juba ayaa haatan ku sugan deegaan lagu magacaabo Madhawa ilaa haatana lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay
dagaalka maanta ka dhacay Kudhaa .
Cabdi Yare
Halgan.net