Dagaalo ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee gobalka J/hoose

November 8, 2014 - Written by Editor

KismaayoKismaayo:-Wararka ka imaanaya Jaziirada gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal culus uu ka dhacay Jaziirada Kudhaa dagaalkaas oo u dhexeeya ciidanka Maamulka Juba iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaawday saaka aroortii waxaana uu socday mudo ku dhow laba saac waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac.

Al-Shabaab ayaa guula ka sheegtay dagaalka ka dhacay Jaziirada Kudhaa ee gobalka J/hoose waxayna sheegeen in ay khasaaaro u geysteen ciidanka Juba ayna si buuxda ula wareegeen Jaziirada Kudhaa.

Dhanka kale Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose Faarax Haybe Macallin ayaa xaqiijiyey in dagaal uu ka dhacay Jaziirada Kudhaa wuxuuna sheegay in ciidankooda ay uga baxeen Jaziirada Kudhaa  xeelad dagaal.

Faarax Haybe Macallin Guddoomiyaha degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in dagaalka ay uga dhinteen dhowr askari

Ciidanka Maamulka Juba ayaa haatan ku sugan deegaan lagu magacaabo Madhawa ilaa haatana lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay
dagaalka maanta ka dhacay Kudhaa .

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online