Gudoomiyaha Baarlamaanaka DFS oo ciidamo wata oo yimid xarunta Baarlamaanka
November 24, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goordhow soo gaaray xarunta Baarlamaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Gudoomiyaha Baarlamaanaka Maxamed Sh Osman Jawaari oo ay la socdaan Ciidamo walow ay weli socdo Buuq iyo sawaxan ay samaynayaan Xildhibaano ka tirsan Baarlaanaka DFS oo ka soo horjeeda mooshinka.
Xildhibaan Cabdi Barre oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh Axmed ayaa saxaafadda u sheegay in Xildhibaanada taageersan mooshinka ay xalay loo qaybiyey waraaqaha mooshinka isagoo wax ba kama jirnaa ku tilmaamay in wax mooshin ah saaka loo qaybiyey Xildhibaanada DFS.
Dhinac kale Xildhibaan Ibraahim Jeesow oo ah Xildhibaanada taageersan mooshinka ayaa saxaafadda u sheegay in mooshinka saaka si nabad gelyo ah lagu qaybiyey balse ay jiraan Xildhibaano jeexjeexay waraaqihii loo qaybiyey.
Saxafaadda ayaa loo diiday saaka in ay gudaha u galaan xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya si ay dadka shacabka ugu soo gudbiyaan xaalada saxda ah ee ka jirta xarunta Baarlamaanka iyo wax ka socda balse xaqiiiqda waxaa ay soo bixi doontaa saacaddaha soo socda.
A/cawaale
Halgan.net