Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay
November 23, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo qeyb galay shir ay ku kulmayeen gudoomiyaasha golaha shacabka ee dalalka Jaamacada Carabta.
Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa waxaa ku soo dhaweeyey magaalada Muqdisho xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka DFS kuwaas oo si diiran ugu soo dhaweeyey gudoomiyaha Garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada ka tirsan DFS ee soo dhaweeyey Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa waxaa horkacayey Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeeylaani Nuur Iikar iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda .
Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa intii uu ku sugnaa dalka Jabuuti waxaa uu kulamo kala duwan la yeeshay madaxada dalka Jabuuti iyo qaar ka mid ah gudoomiyaasha baarlamaanka Carabta
A/Cawale
Halgan.net