Kulan casho sharaf oo Raabidadu u samaysay culimo soo gaaray Sudan

November 14, 2014 - Written by Editor

DSC05584Sudan:-Raabidada ardayda Soomaliyed ee caalmiga ah ee dalka Sudan  ayaa waxay u qabtay kulan casho sharaf ah culimo soo booqday wadanka sudaan kuwaas oo ku sugnaa maalmahaan Sudan  waxaan culimadaas ka mid ah  Sheekh Ciise Maxamuud oo ah  madaxa u manada mu‘asasada al-karam ee dacwda iyo horumarinta ee kashaqysa Somaliland ahna maclin wax ka dhiga jamcdaha : Hargaysa iyo Badar ee magaalda Hargaysa.

Waxaa kale oo ka mid ah culimada soo gaaray Sudan Sheekh Maxamed Sh C/wali Sheekh C/llaahi oo ah imaamka iyo Khadhibka masjidka tawxiid ee magaalada Kambala ee caasimada dalka Uganda ahna xubin ka mid ah golaha dacwada ee dalkaas.
Kulanka casho sharafta ah ayaa waxaa ka soo qayb galay cuimo iyagu ku sii sugnaa dalka Sudan ay ka mud ahaayeen:-

1- Shikh Maxamuud Abu Shayba

2- Sh. Mahad Khaliif Abtidoon .

3- Sh. Maxamuud  Ahmed .

Sidoo kale waxaa iyadana xusid mudan in kulanka casho sharfta ah ay goob joog ka ahaayeen golayasha kale duwan ee Raabidada sidda golaha Fulinta iyo Tanfiidka .

Ugu horayntii waxaa hadalka furay oo soo dhaweeyay culimada gudoomiyha fulinta raabidada Xassan Muse Nux ka dib waxaa sii bilawday kulankii qaybihisii kale iyagoo culimadu uga war bixiyeen Raabidada sidda ay u socdaan hawlaha dacwo ee meelah ay ka soo kictimeen iyo wadciga guud ee dacwda Soomaaliya meesha ay marayso sidoo kale waxa halkaas la isku dhafsaday warbixino iyo talooyin iyo khibrado .

Waxaa isna goobta ka hadlay hadal qimolehna soo jeediyay Sh. Maxamuud Abu Sheyba isagoo isna dhankiis ka soo dhaweyay culimada kuna dardaarmay wax wada qabsi iyo in dacwadii laga wada shaqeeyo .

Ugu danbayntii kulanku wuxuu ku soo gabagaboobay ka dib markii su‘aalo xog waraysi ah la is dhaafsaday waji aad u qurux badan iyo is marxbayn.

no images were found

Xassan Al-nuxi
Sudan, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online