Waxa aniga ii daran ,Kursi lagu dakeeyo,Daa’in lagu Nagaado W/Q Dr. Abdulqani Hussein
November 18, 2014 - Written by EditorHargeysa:-Maansadani waxa ay si kooban u sawiraysaa xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya iyo S/land oo ay madaxa iskula jiraan labadii hay’adood ee dalka ugu sareeyey, xukuumaddii iyo baarlamaankii, iyadoo khilaafka Soomaaliya uu yahay mid u dhexeeya labada xubnood ee xukuumadda ugu sareeya, baarlamaankuna uu la kala safan yahay.
Halka Soomaaliland-na ay baarlamaanku gudahooda iska haystaan, xukuumadana lagu eedaynayo inay fara gelin ku hayso golaha. Sidoo kale waxa dhowaan cirka isku aloosay khilaaf ka dhexeeyey maamulka Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia.
Markastoo xukuumadi timaado Soomaaliland , Soomaaliya, Puntland, Kililka shanaad, dawladda goboleedada yaryar ee Soomaaliya, waxa durba madaxa isla gala cidda talada haysa iyo kuwo doonaya inay ka rittaan, maaha hawl dhammaata, MAALIN KASTAA WAA SHALAY!, dadku waa dadkii , Bulsho wayntu isma dooriso oo danteeda kama raacato, madaxduna danaysi iyo kursi jeclaysi kama waantowdo.
Markastana cidda dhibtu soo gaadhaysaa waa shacabka oo markii horeba waayahooda dhaqaale, nabad geliyo iyo guud ahaan xaaladooda nololeedba ay bacad yaal ahayd.
Maansada waxaan ku halqabsanayaa saaxiibkay Muxamed Hirsi Guuleed (Abdi Abshir), waana tan:
1. Abshirow dagaalkiyo
2. Durbaanadan la tumayiyo
3. Duub castiyo rasaastiyo
4. Danyartaa la toogtiyo
5. Dadkan wada qaracaniyo
6. Odayadan duryamayiyo
7. Dooddan maanta socotaa
8. Ma dadaal bislaadoo
9. Doonis saxan ku yimiyoo
10. Dan-moogtaa dayacanee
11. Suuqyada la daadshiyo
12. Umul aan dab loo shidin
13. Da’yar shaqo la’aan tuban
14. Qorshe lagu dabiibiyo
15. Daawo loogu qorayaa?
16. Mise waa dan gaariyo
17. Damac aan haboonayn
18. Ma damiir la’aaniyo
19. Doqoniimo ba’an baa?
20. Tu kalena dareen geli
21. Doodan maanta socotaa
22. Maaha ugub dilaacee
23. Diraacdii timaadaba
24. Doobir baa hubka u sida
25. Dubbuhuna dushayduu
26. Digta maato ku hayaa
27. Duruuf aanay kari Karin
28. Danna aanay ugu jirin
29. Dusha laga furayaa.
30. Taaba waxa ka sii daran
31. Kuwaan dood ka filayee
32. Diidmada ka sugayaa
33. Durbaanada u wada sida.
34. Dig dig aan dhammaanayn
35. Madax aan damqanahayn
36. Dulucdooda hadalkuna
37. Inkastoon dibnuhu sarin
38. Dareenkoodu wuxu yidhi :
39. Danta anigu aan rabo
40. Haddaan layla daadihin
41. Duco lagu wada darin
42. Duunyo laygu kaalmayn
43. Dibin-daabyadaan dhigo
44. Dabka anigu aan shido
45. Danba waydun ugu guban.
46. Waa digniin warkayguye
47. Waxa aniga ii daran
48. Kursi lagu dekeeyoo
49. Daa’in lagu negaadoo
50. Ka deg aan la odhan karin.
51. Haddaan doogsan waayana
52. Berraan duulayaayoo
53. Dal shisheeye tegayaa
54. Daadku haydin qaadoo
55. Dabaabado gurguurtaa
56. Duqaytida ha jiidhaan
57. Dugaag haydin wada cuno.
Waxa Curiyey /Dr. Abdulqani Hussein Mohamed
Hargeysa, Halgan.net