Waxa aniga ii daran ,Kursi lagu dakeeyo,Daa’in lagu Nagaado W/Q Dr. Abdulqani Hussein

November 18, 2014 - Written by Editor

drcabdiqaniHargeysa:-Maansadani waxa ay si kooban u sawiraysaa xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfurta Soomaaliya iyo S/land oo ay madaxa iskula jiraan labadii hay’adood ee dalka ugu sareeyey, xukuumaddii iyo baarlamaankii, iyadoo khilaafka Soomaaliya uu yahay mid u dhexeeya labada xubnood ee xukuumadda ugu sareeya, baarlamaankuna uu la kala safan yahay.

Halka Soomaaliland-na ay baarlamaanku gudahooda iska haystaan, xukuumadana lagu eedaynayo inay fara gelin ku hayso golaha. Sidoo kale waxa dhowaan cirka isku aloosay khilaaf ka dhexeeyey maamulka Dawladda Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Markastoo xukuumadi timaado Soomaaliland , Soomaaliya, Puntland, Kililka shanaad, dawladda goboleedada yaryar ee Soomaaliya, waxa durba madaxa isla gala cidda talada haysa iyo kuwo doonaya inay ka rittaan, maaha hawl dhammaata, MAALIN KASTAA WAA SHALAY!, dadku waa dadkii , Bulsho wayntu isma dooriso oo danteeda kama raacato, madaxduna danaysi iyo kursi jeclaysi kama waantowdo.

Markastana cidda dhibtu soo gaadhaysaa waa shacabka oo markii horeba waayahooda dhaqaale, nabad geliyo iyo guud ahaan xaaladooda nololeedba ay bacad yaal ahayd.

Maansada waxaan ku halqabsanayaa saaxiibkay Muxamed Hirsi Guuleed (Abdi Abshir), waana tan:

1. Abshirow dagaalkiyo

2. Durbaanadan la tumayiyo

3. Duub castiyo rasaastiyo

4. Danyartaa la toogtiyo

5. Dadkan wada qaracaniyo

6. Odayadan duryamayiyo

7. Dooddan maanta socotaa

8. Ma dadaal bislaadoo

9. Doonis saxan ku yimiyoo

10. Dan-moogtaa dayacanee
11. Suuqyada la daadshiyo

12. Umul aan dab loo shidin

13. Da’yar shaqo la’aan tuban

14. Qorshe lagu dabiibiyo

15. Daawo loogu qorayaa?

16. Mise waa dan gaariyo

17. Damac aan haboonayn

18. Ma damiir la’aaniyo

19. Doqoniimo ba’an baa?

20. Tu kalena dareen geli

21. Doodan maanta socotaa

22. Maaha ugub dilaacee

23. Diraacdii timaadaba

24. Doobir baa hubka u sida

25. Dubbuhuna dushayduu

26. Digta maato ku hayaa

27. Duruuf aanay kari Karin

28. Danna aanay ugu jirin

29. Dusha laga furayaa.

30. Taaba waxa ka sii daran

31. Kuwaan dood ka filayee

32. Diidmada ka sugayaa

33. Durbaanada u wada sida.

34. Dig dig aan dhammaanayn

35. Madax aan damqanahayn

36. Dulucdooda hadalkuna

37. Inkastoon dibnuhu sarin

38. Dareenkoodu wuxu yidhi :

39. Danta anigu aan rabo

40. Haddaan layla daadihin

41. Duco lagu wada darin

42. Duunyo laygu kaalmayn

43. Dibin-daabyadaan dhigo

44. Dabka anigu aan shido

45. Danba waydun ugu guban.

46. Waa digniin warkayguye

47. Waxa aniga ii daran

48. Kursi lagu dekeeyoo

49. Daa’in lagu negaadoo

50. Ka deg aan la odhan karin.

51. Haddaan doogsan waayana

52. Berraan duulayaayoo

53. Dal shisheeye tegayaa

54. Daadku haydin qaadoo

55. Dabaabado gurguurtaa

56. Duqaytida ha jiidhaan

57. Dugaag haydin wada cuno.

Waxa Curiyey /Dr. Abdulqani Hussein Mohamed
Hargeysa, Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online