Madaxweynaha Dawladda Puntland si weyna loogu soo dhoweeyey Garoowe(Masawiro)

November 2, 2014 - Written by Editor

IMG_4319Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayey safar shaqana ugu maqnaa dalka Dibadiisa Gaar ahaan Dalalka Ingiriiska ,Ethopia iyo isutagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdiga uu Hogaaminayey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garowe si weyn ugu soo dhoweeyey Madaxweyne Ku xigeenka Dawladda Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire,Golayaasha Dawladda Puntland,Saraakiil katirsan madaxtooyada Dawladda Puntland iyo saraakiisha sare ee ciidamada Puntland.

Dadweyne aad u badnaa  Wateyna Calamada Puntland iyo Soomaaliya kuna labisna dharka Hiddaha iyo Dhaqanka ayaa iyaguna ku diyaarsanaa Garoonaka diyaaradaha ee Garowe, waxayna si wanaagsan uga qeyb qaateen soo dhoweynta Madaxweyne Gaas.

Soo dhaweyn kadib Madaxwaynaha iyo Masuuliyiintii la socday ayaa waxaa loo soo gudbiyey aqalka Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe waxana halkaasi Warfidyeenka kula hadlay Madaxwayne Gaas,isagoona faah faahin ka bixiyey Socdaalkii uu ugu maqnaa dalka Dibadiisa.

‘’aad baan runtii idiinkaga mahad-celinayaa soo dhaweyntiina aadka u qiimaha badneyd,saad la socotaan waxaan ku tagey socdaal dhowr wadan oo uu kamid yahay wadanka ingiriiska waxaana kaga qeyb galay shirkii maalgashiga Afrika iyo shirar kale oo gaar gaar ah oo aan la galay qurbo joogteena iyo dad si gaar ah u xiisaynayey Puntland si ay maalgashi uga sameystaan’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Ka bacdii waxaan aadey Dubai oo aan kaga qeyb galay shirkii ka hortaga burcad badeeda isna runtii shir muhim ah ahaa aduunka dhanna uu ka soo qeyb galay lagana hadlayey burcad badeeda dhibta ay ku hayso geeska afrika iyo guud ahaan ganacsiga iyo Amniga guud ee mandiqada ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

‘’Dalka Ethopia waxaan runtii kala hadalnay howlo badan oo dhanka Waxbarashada ah iyo dhanka amniga marinkaygana way aheyd waxaana la kulmay Wasiirka arrimaha Dibada ee Ethopia iyo madax kale oo dalkaasi ah oo aan kala hadlayey howlaha naga dhaxeeya ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu dambeyn sheegay in Safarkii uu ku tagay dalka Dibadiisa uu ku soo dhammaaday Guul iyo is afgarad.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online