Madaxweynaha DFS oo galabta Shirjaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya (Dhageyso)

November 14, 2014 - Written by Editor

xasanMuqdisho:-Madaxweynaha DFS  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Shirjaraa,id ku qabtay xarunta Villa Soomaaliya isaga oo ka waramay xaalada dalka uu marayo iyo Hiigsiga 2016-ka.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu ka waramay duruufaha kala duwan ay soo martay Soomaaliya iyo wixii u qabsoomay intii uu talada dalka uu  la wareegay isaga oo sheegay in horumar badan la gaaray balse ay wili wax badan ay dhiman yihiin .

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadalay Maamulada Federaalka ah ee KMG ah ee dalka laga hirgalinayo gaara ahaan Baydhabo iyo gobalada Dhexe wuxuuna sheegay in ay meel fiican marayaan .

Madaxweynaha DFS  ayaan soo hadalqaadin khilaafka ka dhex aloosan isaga iyo  Ra’iisal Wasaaraha DFS Cabdi weli Sh Axmed Maxamed kaas oo curyaamiyey ha,yadihii dowlada oo dhan.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ka hadlay in dowladiisa ay damacsan tahay in ay dhisto ciidan isku dhafan oo xoog leh kuwaas oo laga soo xulayo dhamaan degaanada dalka Soomaaliya.

Hoos ka Dhageyso Shirka Jaraa,id uu Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ku qabtay Villa Soomaaliya.

[audio: http://k003.kiwi6.com/hotlink/4t5a1pjcq1/xasan_sh.mp3]

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online