Madaxweynaha PL oo ka qeyb galay Daahfurka siyaasada ka-dhanka ah gudniinka Fircoonniga.[Masawiro]

November 12, 2014 - Written by Editor

IMG_5764Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee caasimada dawladda Puntland gaar ahaan hoolka jaamacada bariga afrika kaga qeyb galay xaflada Daahfurka siyaasada ka-dhanka ah gudniinka fircooniga ee gabdhaha.

Xafladaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro katirsan xukuumada Puntland,hay’ado caalami ah oo ka howlgala gudaha puntland ,saraakil ka socday beesha caalamka ,waxgarad,culimo’udiin ,haween iyo dadweyne kale .

Madaxweynaha Dawladda puntland Dr.cabdiweli maxamed cali gaas oo khudbad dheer ka jeediyey madasha ayaa sheegay in maamnuuc uu yahay gudniinka lagu dhibaateeyo gabdhaha kaasi oo saameyn xoogleh ku yeesha haweenka soomaaliyeed.

‘’Dhibta Soomaaliya ka jirta ayey kamid tahay arintani,wacyigelin tiro badan ayey nooga baahan tahay ,dadaal dheeraad ah ayey nooga baahan tahay ‘’Sidaasi waxaa yiri Madaxweyne Gaas.

‘’Waxaan ugu baaqayaa culimada iyo dadka dhaqanka in laftigoodu ay ka qeyb qaataan howshaan ,waliba waxaan jeclaan lahaa dumarka laftiguudu dhibta ugu weyn ilaa iyaguu ku dhacayaa in ay u istaagan sidii ay uga horatgi lahaayen’’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online