Madaxweynaha PL oo Madaxtooyada Puntland kula kulmay wafdi oo ka socday Dawladda Jarmalka .

November 11, 2014 - Written by Editor

IMG_5660Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee maanta Madaxtooyada Dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi balaaran oo ka socday Dawladda Jarmalka (Germany) oo Puntland booqasho rasmi ah ku yimi.

Wafdigaan ayaa waxaa ay ka kala socdeen Wasaarada iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka (Germany),Hay’ada kaalmada Jarmalka (GTZ),iyo Bankiga horumarinta ee Jarmalka (Germany).

Waxana kala Hogaaminayey Mr’s Julia Kronberg oo ka socotay Safaarada Jarmalka ee Nayroobi iyo Philipp Rock oo isna ka socday Wasaarada iskaashiga caalamiga ah ee Jarmalka iyo afar xubnood oo akale waxana ay kullan gaar ah la qaaten Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Mudadii uu socday kullanka qodobadii looga hadlay waxaa kamid ahaa Xoojinta xiriirka u dhaxeeya Dawladda Puntland iyo Dawladda Jarmalka oo laysku afgarta in la hormariyo si uu kor ugu sii qaadmo xiriirka wada shaqeyn ee ka dhaxeeya Puntland iyo Germany.

Sidookale waxaa kullanka looga hadlay sidii Dawladda Germany uga qeyb qaadan laheyd horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland sida Jidadka,Garoomada diyaaradaha ee Puntland,Biyaha iyo Biyo Gelinta magaalooyinka Puntland,Xanaanada xoolaha iyo weliba beeraha iyo waraabka Puntland.

Mr’s Julia Kronberg iyo weliba xubnihii kale ee la socday ayaa si wadajir ah ugu sheegay Madaxweyne Gaas in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada mashaariicda Horumarineed ee ka socda Puntland .

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhankiisa sheegay in Dawladda Puntland ay diyaar u tahay cid kasta oo ka qeyb qaadanaysa Horumarinta balaaran ee ka socda Puntland.

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online