Madaxweynaha Puntland oo ku booqday duleedka Boosaaso Ganacsato Geela dhaqda.[Masawiro]

November 28, 2014 - Written by Editor

IMG_7883Boosaaso:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gelinkii dambe ee Maanta Duleedka Magaalada Boosaaso gaar ahaan Togga Baalade oo xiga dhanka Qorax u dhaca ku booqday Ganacsato reer Puntland ah oo halkaasi ku dhaqda Geel islamarkaana Caanaha ay ka soo lisaan u iibkeena Gudaha Magaalada Boosaaso.

Dhaqashada xoolaha nool ayaa dhaqan soo jireen u ah Soomaalida waxana xusid mudan in maanta qeyb weyn ay ka tahay nolosheena iyo dhaqankeena, Puntland waxay kamid tahay meelaha sida weyn looga faa’iidaystay dhaqashada xoolaha nool ganacsatada iyo bulshada reer Puntland waxay ku dhiiran yihiin adkeynta dhaqanka soo jireenka ah.

Madaxweyne Dr.Gaas ayaa sidookale booqday beer ku taal halkaas oo lagu beero dalaga noocyadiisa kala duwan waxana uu ganacsatada ku booriyey in ay laba jibaaraan dhaqashada xoolaha noocyadooda kala duwan iyo beerashada Beeraha si dalka u noqdo mid horumara.

Ganacsatada iskaleh Geela ayaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku martiqaaday Horuub Gaal caano geel ah oo markaas la lisay,waxana uu madaxweynuhu ganacsatadaas ku dhiiri geliyey in ay laba jibaaraan dadaalka ay wadaan.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigelinta,Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
November 2014
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online